DAAWO: Khasaare Nafeed oo Ka dhashay Miino Magaalada Burco kula qaraxday Gaadhi

Qarax MiinoBurco (SLpost)- ALLE ha u naxariistee hal qof ayaa ku dhintay khasaare kalena wuu ka dhashay ka dib markii maanta ay xaafadda October ee magaaladda Burco miino kula kacday baabuur ay leedahay shirkadda Korontada ee BEDER ee Magaalada Burco.

Marxuumka ku geeriyooday Qaraxa Miinadan, ayaa la sheegay inuu ahaa farsamo-yaqaan u shaqeeya Shirkadda Korontada ee BEDER, isaga oo wakhtigaas ku gudo-jiray hawl shaqo.