DAAWO – Khasaaraha ka dhashay Shil Baabuur Maanta ka Dhacay Duleedka Magaalada Arabsiyo

Gabiley (SLpostl)- Shil dhimasho iyo dhaawac badan gaystay, ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley, gaar ahaan meel lagu magacaabo Carro-Yaambo oo u dhaxaysa Tuulada Abaarso iyo magaalada Arabsiyo.
Shilkan ayaa waxuu ka dhashay laba gaadhi oo waawayn oo isku dhacay labadaasi gaadhi oo kala ahaa gaadhi wayn oo ah shaamboo oo raashin caawimo ah oo Turkigu ku Deeqay u siday magaalada Gabiley iyo gaadhi Dhayne ah oo dad rakaab ka soo qaaday magaalada Tog-wajaale kuna socday Magaalada Hargaysa.

Somalilandpost.net/Hargeysa