DAAWO: Garabka Kulmiye ee Xukuumadda oo muddeeyey Shirka Golaha Dhexe, Guddi-fulineed oo Muuse Biixi magacaabay-na ku tilmaamay Sharci-darro

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Kulmiye ee ay dhowaan soo magacaabeen Shir-guddoonkii Shirweynaha Xisbiga iyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye, ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga uu qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe oo maalmihii u dambeeyey khilaaf ka dhex abuuray Xisbiga iyo Xukuumadda.

DAAWO: Garabka Kulmiye ee Xukuumadda oo muddeeyey Shirka Golaha Dhexe, Guddi-fulineed oo Muuse Biixi magacaabay-na ku tilmaamay Sharci-darroKulanka oo saaka ka qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa lagu dedafeeyey Guddi-fulineed oo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi xalay magaaabay, kuwaas oo lid ku ahaa Liisaskii guddigii Fulineed iyo Golaha Dhexe ee todobaadkii hore ay ku dhawaaqeen shir-guddoonkii Shirweynaha Kulmiye.

Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Cabdikariim Xinif oo ka tirsan Guddiga Fulinta, Wasiirka Cadaaladda Xuseen Caydiid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir oo uu weheliyo xoghayaha Guud Xasan Siciid oo hore u taageersanaa garabka hoggaanka Kulmiye, balse saaka loo yeedhay, ayaa sharciga xisbiga iyo ka Axsaabta Qaranka u daliishaday wax ay ku tilmaameen sharci-darro Hoggaanka Sare ee Kulmiye ka dhex-wadaan isla markaana ku burburinayaan Xisbiga Kulmiye.

Xubnahani waxa ay sheegeen inaanu guddoomiyuhu xaq u lahayn magacaabista guddiga Fulinta, isla markaana aanay jirin guddi fulineed oo cusub oo la magacaabay, haseyeeshee lagu doortay Guddiga Fulinta Xeerkii lagu doortay Hoggaanka Kulmiye kaas oo odhanayay in dib loo soo celiyo guddigii fulinta ee hore oo lagu daray Siddeed xubnood oo uu ku jiro wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo aan hore uga tirsanayn guddiga Fulinta.

 

 

 

HALKAN KA DAAWO

 

Somalilandpost.net