DAAWO Dood aan Waxba laysula Hadhin oo Mucaaradka iyo Muxaafadka ku dhexmartay Khilaafka ka taagan Diiwaangelinta Madaniga ah

MUCAARAD IYO MUXAAFID LA KALA JIIDAY – Weerarkii Xildhibaan Bukhaari, Weerar-celintii Cali Guray iyo Weetayntii Cabdirashiid Riyo-raac

Hargeysa (SLpost)- Dood Xaasaasi ah oo aan waxba laysula Hadhin, ayaa Mucaaradka iyo Muxaafadka Somaliland ku dhexmartay Khilaafka ka taagan is-waafajinta Diiwaangelinaha Madaniga ah iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex-qarxay Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, ka dib markii ay xisbiyada UCDI iyo WADDANI qaadaceen in dalka laga qabtay diiwaangelinta Madaniga ah oo ay ku tilmaameen farsamo xukuumaddu ku baajinayso inay dalka ka qabsoonto doorashada madaxweynaha oo ku muddeysan badhtamaha bisha June ee sannadka soo socda.

aaaKulamo is-daba-joog ah oo badhtamaha bishii July ee sannadkan magaalada Hargeysa ugu qabsoomay Daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland oo ay ka mid yihiin Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka, Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumadda, ayaa lagu go’aamiyey in si wada-jir ah loo qabto laba diiwaangelinood, ka dib markii madaxweynaha Somaliland ka dalbaday beesha Caalamka in laga taageero dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, halka Diiwaangelinta Madaniga ahna ay xukuumaddu bixinayso Kharashka ku baxaya.

Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali  Guray), Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac) iyo Xildhibaan Bukaari oo ka tirsan mudaneyaasha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ugu jira Golaha Wakiillada, ayaa Telefishanka HCTV u qabtay dood xaasaasi ah oo dhinaca waliba soo daliishanayo fasiraad u gaar ah oo qodobbadii lagu heshiiyey ah ee hirgelinta Diiwaangelinaha Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha.

HALKAN KA DAAWO