DAAWO: Dadweynaha Reer Ceerigaabo Si Weyn Uga Qayb Qaatay Xuska 18-ka May Ee 24-guurada Madax-banaanida Somaliland

Ceerigaabo, (SLpost)- Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa si weyn looga xusay maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo ku beegan sannad-guuradii 24-aad ee kasoo wareegtay lasoo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 1991-kii.

Munaasibadan xuska maalinta qarannimada Somaliland oo lagu qabtay fagaaraha garoonka kubadda cagta ee Daallo Staduim, iyadoo ay si mugleh uga qayb qaateen hay’addaha laamaha dawladda, ururrada bulshada iyo shacabka magaalada Ceerigaabo oo ku lebisan calanka saddexda midab leh ee Somaliland iyo boodhadh ay ku xardhan yihiin erayo ka turjumaya sida qarannimada iyo madax-banaanida Somaliland ay muqadaska u tahay. Waxa sidoo kale goobtaas socod gaardis ah kusoo bandhigay ciidamada booliska, asluubta iyo milateriga.