DAAWO: Ciidamada Badda ee Talyaaniga oo 24-kii Saac ee u dambeeyey Badbaadiyey Muhaajiriin tiro badan oo Soomaali ku jirto

Rome (SLpost)- Ciidamada Badda ee Talyaaniga, ayaa badbaadiyey 1,123 muhaajiriin ah oo la kala socday Siddeed doonyood oo ka goostay Xeebaha Woqooyiga Qaaradda Afrika.

Tahriibayaasha la bad-baadiyey oo ciidamadu ka daad-gureeyeen Xeebaha dalka Talyaaniga meel masaafo ahaan 222Km dhinaca Koonfur-Bari u jirta Jasiirradda Lampedusa.

italySida lagu baahiyey muuqaalka Internetka la soo geliyey oo ciidamada Talyaanigu ka duubeen hawl-galka ay ku badbaadiyeen Muhaajiriinta, waxa la sheegay inay ku jireen 47 haween ah iyo 50 Carruur ah kuwaas oo dhammaantood u dhashay waddamada ka hoseeya saxaaraha Afrika, kuwaas oo ay ku jiraan tiro badan oo Soomaali ah.

_72791581_landingDiyaarado ay leeyihiin ilaalada Xeebaha dalkaasi, ayaa maalintii shalay arkay doonyaha oo dhex heehaabaya badda Mediteranian-ka ee u dhaxay Afrika iyo Yurub, waxaanay hawl-galka badbaadinta bilaabeen saaka Subaxnimadii iyada oo ay ka qayb-qaateen afar markab oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Talyaaniga, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Talyaaniga.

Ma jirto faahaahin intaas dhaafsiisan oo ka soo baxday hawl-galka ciidamada Talyaanigu ku badbaadiyeen tahriibayaasha.

_72791580_haulDalka Talyaaniga ayaa ah marinka ay muhaarijiintu ka galaan qaaradda Yurub, iyada oo sannadkii 2013 lagu tilmaamo inuu ahaa sannadkii ay ugu badnaayeen tahriibayaasha ka dagay xeebaha dalka Talyaaniga, waxaana lagu xusuustaa sannadkaas inuu ahaa markii u horreysay ee tahriibayaashii ugu badnaa mar kaliya ku geeriyoodaan iyaga oo ku sii jeeda dalka Talyaaniga. Bishii Oktoober ee sannadkii hore ayay ahayd markii 366 tahriibayaal ahi ay ku dhinteen badda ka dib markii ay la dhacday Doontii ay saarnaayeen meel u dhaw xeebaha jasiiradda Lampedusa oo u dhow xeebaha dalka Tunisia ee qaaradda Afrika. Laba todobaad ka dib, waxa dhacdo taas la mid ah ku dhintay 200 oo muhaajir oo doontii ay saarnaayeen ku degtay meel aan ka fogeyn Xeebaha Talyaaniga.

SOMALILANDPOST.NET