Daawo Bandhig-faneedkii Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ee Muqdisho oo dhammeystiran

XGMXubno ka tirsan Fannaaniinta Xidigaha Geeska oo dhowaan socdaal ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay bandhig-faneed ku qabteen, ayaa soo-noqodka safarkooda soo maray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanay halkaas ku soo bandhigeen bandhig-faneed ay ugu talo-galeen inay kula dabbaal-degaan shacabka Muqdisho farxadda Munaasibadda Ciidal-Adxaha.

Fannaaniintan, ayaa kala ahaa Nimcaan Hilaac, Xamda Queen, Cabdiraxmaan Oday iyo Maxamed Cirro, waxaanay habeenkii labaad ee Ciidda ku soo bandhigeen magaalada Muqdisho bandhig-faneed ay ku wehelinayeen qaar ka tirsan fannaaniinta magaalada Muqdisho.

HALKAN HOOSE KA DAAWO