DAAWO: Badheedhaha Daahir Rayaale iyo Cali Waran-cadde oo Isu-jawaabay (Anigaa burburiyey UDUB)

warancadeHargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo maanta socdaal ku yimi magaalada dalka, kaddib markii uu ka yimi magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa, ayaa burburkii ku yimi Xisbigii UDUB ee uu hoggaaminayey masuuliyaddiisa dusha ka saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, Cali Maxamed Waran-cadde oo uu ku eedeeyey inuu burburiyey Xisbigii UDUB.

Cali Warancadde oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu cad-cadayd Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo xisbiga UDUB, ayaa xilligaas la wareegay hoggaaminta talada Xisbiga, kaddib markii uu sheegay inuu isu-taagayo Murashax madaxweyne oo Xisbiga UDUB. Haseyeeshee, Cali Waran-cadde, ayaa gacantiisa ku burburiyey Xisbigaas kaddib markii khilaaf laba garab u qeybiyey soo kala dhex-galay siyaasiyiintii iyo Taageerayaashii Xisbiga, sidaasna uu ku bur-buray Xisbigaasi.

Cali Waran-cadde oo markii loo dhiibay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Siilaanyo kaddib warbaahinta wax ka weydiisay sababtii keentay burburkii xisbigii UDUB, waxa uu ku faanay inuu shakhsi ahaan gacantiisa ku burburisay xisbiga, isagoo ku dooday in sababta uu sidaas u sameeyey ahayd badbaadada qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Haddaba, Daahir Rayaale Kaahin oo maanta la hadlayey war-fidiyeennada, waxa uu Cali Waran-cadde ku tilmaamay siyaasi hankiisu aanu dhaafsisanayn Derejo Wasiir, isaga oo taas uga jeeday inuu Xilka wasiirnimo ee uu hayo ku beddeshay jiritaanka Xisbigii ugu horreeyey ee Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, waxa uu raalli-gelin siiyey Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo murashaxa madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Cali Mataan oo xilligaas u soo bandhigay Daahir Rayaale iyo bahweyntii UDUB in lagu wareejiyo murashaxnimada iyo hoggaanka Xisbiga.

Haddaba, waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa, Cali Waran-cadde oo ku faanaya inuu gacantiisa ku burburiyey Xisbigii UDUB iyo Dhaliisha Madaxweyne Daahir Rayaale maanta u jeediyey.

HALKAN KA DAAWO