Daalin Samafale, Digtoor Cudur Sida Iyo Deeq Halaag Ah – W/Q: Weriye Mohammed Aden Dirir

Hayada Barnaamijka Caafimaadka Aduunka Oo Marka Magaceeda La Soo Gaabiyo Loo Yaqaan WHO Waxay Mid Tahay Hayadaha Samafalka Ee Dalkan Somaliland Ka Shaqeynayey Mudada Dheer Iyadoo Sanad Walba Sida Ay War Bixinteeda Ku Sheegto U Qoondaysa Dalkan Somaliland Malaayiin Doolar Oo Caawimo Caafimaad Ah Hase Yeeshee Caawimadaasi Meesha Ay Aakhirka Ku Danbayso Waa Mid Fari Ku Godan Tahay Oo Su,Aalo Badan Layska Waydiin Karo Doodina Ka Dhalan Karto.

Dhamaanba dadyowga dunida waxaa ay marag ka yihiin mashaariic kala duwan oo loogu muujinayo in wax loogu qabanayo isla markaana ay dhegaha shacabka kusoo noqnoqdaan Hayadaha taakuleeya Dadyowga ku nool dunida Sadexaad oo loola jeedo Afrika kuwaasi oo iyagoo yoolkooda Meel marsanaya ku tilmaama in qaarada afrika Ama dunida Sadexaad ay halakeeyeen Abaaro,Colaad,Gaajo iyo Cuduro  aan soo dhamaan oo marba marka ka danbaysa sii xoogaysta.

Hadaba iyadoo ay sidaasi tahay waxaa lagama maarmaan ah side ayaa look ala qorsheeyaa samaynta Colaadaha ee qaarada afrika iyo kala Googoynta dalalka qaaradani oo ay dhufayska ugu jirto Urur loo samaystay Fulinta mashaariicdaasi loona yaqaan UN ama qaramada Midoobay.

Mashaariicdan ayaa si dadban waxaa loo soo mariyaa Ururka qaramada Midoobay oo ay iska leeyihiin Wadamada reer galbeedku kuwaasi oo u samaystay inay ku meel marsadaan qorshayaashooda ay ka damacsan yihiin dunida muslinka waxaana kuu cadayn karta sidii yuhuuda loogu dhex beeray bariga dhexe looga dejiyay dhulka reer falastiin iyadoo ay taasi kasii daran tahay in Dawladaasi islaamka ahayd ee Falastiin ay sheegeen inay ka saareen wadamada dunida lagana masaxay calankeeda iyo dhulkeeda halka ay aqoonsadeen  Wadan ay u bixiyeen Israaiil.

Sidoo kale barnaamijka ay ugu magacdareen caafimaadka dunida oo aynu u bixinay una bedelay DIKTOOR CUDUR SIDA waxaa aynu ku iftiimin doonaa sida dadyowga dunida ee dadkoodu  u korayaan una badanayaan si aanay horumar u gaadhin ama aanay isku filaansho u gaadhin waxaa qaarba loola dhaqmaa si gooni ah oo dalba loo aafeeyo looguna sameeyo masiibooyin iyo dhibaatooyin ka ilaaliya inay ka shaqaysiiyaan Maskaxda isla markaana u Fekeraan ama u hiigsadaan Iyaga.

Dalalka qaar ayaa waxaa loo sameeyaa xanuuno iyo fayrasyo kala nooc ah oo dadkaasi lagu gumaadayo ayna ka mid yihiin dalalka loo isticmaalay China oo loo habeeyey BIRD FLUE ama Hargab Shinbireed & SWUNE FLUE  ama Hargab Doofaar  waxaa ay shacabku isku dayayaan iyo dawladooduba inay la tacaalaan xanuunkan fayraska ah eek u habsaday kaasi oo isagoo Moor ah dalkooda si qarsoodi ah loo soo geliyay ay xanbaarsanaayeen Hayadaha Caafimaadka ka shaqeeya ee ay iyagu ugu talogaleen Sida WHO iyadoo welibana aan sidaa lagaga hadhayne misna si dhaqaalahooda loo wiiqo lasoo samaynayo Fayraskaasi Dawadii lagu dilayay oo Malaayiin doolar  Lagu qaadanayo waxaana lasoo marinayaa Hayado loo samaystay looguna talogalay inay dadka iyo dowladaasba u aragto inay tahay hayad ka naxaysa shacabkooda isla markaana la dagaalamaysa xanuunkan.

Dalalka qaar ayaa waxaa lagu furaa Masiibooyin dad same ah ayna ka mid tahay sida dalka somaliya oo ay ugu horayso Alshabaab oo loogu talogalay in dadka reer galbeedka iyo kuwa aan diinta islaamka haysan oo dhan lagu nacsiiyo diinta Muslimka kuwaasi oo loogu talogalay in looga xanaaqo diinta islaamka loona tusiyo in diintaasi tahay taas dadka aan waxba galabsan laynaysa,qaraxyada dhiirigelinaysa cid kastana Afduubaysa,Maadaama ay ogyihiin in diinta muslimku ay tahay mid xaaraan tinimaysay dhiiga qof aan waxba galabsan isla markaana ay amaan siisay Gaalka kula jooga,taasina waxay kuu cadayn karaysaa in meelo kale laga soo amaamuday Xagjirka diinta Islaamka dadka necbaysiinaya laguna banaysanayo dhiiga muslimiinta iyo ku duulitaanka dalalkooda si loo hantiyo khayraadka ku dihin iyo weliba dulaynta dadkaasi iyadoo ay taasina dheer tahay Sidii aanay haba yaraatee dadkaasi u gaadhin Wax horumar ah ayna ku mashquulaan  iska difaacida alshabaab waxaana sidoo kale inta badan dadku maqlaan saraakiil Alshabaab ah oo gantaal lagu khaarajiyay balse ragaasi la dilay ama la qabtaa waa kuwa ka horyimaada maslaxada cidii ururkan samaysatay.

Taasi waxaa kasii daran kooxo kale oo lagu magcaabo BUDHCAD BADEED looguna talogalay in duulaan qaawan oo lagu guranayo khayraadka iyo kaluumada kala duwan ee dalka somaliya sidoo kalena lagu aasayo Hadhaaga suntan Wershadahooda waxaana qorshayaasha lagu gabanayo ka mid ah inay yihiin wadamada ku midoobay la dagaalanka Budhcad Badeeda somaliya,waxaana ay tani timi ka dib markii kaluumaysato masaakiin ah oo ka dhiidhiyay markay arkeen xeebahoodii oo maraakiib shisheeye xaalufinayso ay iska difaacaan waxaana  laga daba raray kooxo iyagu u qaybsanba afduubista maraakiibta  kuwaasi oo lacagta ay ku shaqaynayaan isla markaana ku xoogaysanayaana loo soo mariyo Madax furasho iyaga dib loo siiyo Halka qaarkoodna si aan Mashruucu U Fashilmin La Khaarajiyo taasina waxay indha saabaysaa in dadku ay u fekeraanba inay iyagu ku shaqaystaan Budhcadan.