Daahir Rayaale Oo Gaashaanka ku dhuftay Xil-ka- qaadistii Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UDUB

Paris, 15 January 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aan Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin uu ku sheegay inuu xilka kaga qaaday Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse.

Guddoomiyaha UDUB oo qoraal kooban ka soo saaray dalka Faransiiska oo uu deggan yahay wakhtigan ayaa u kala diray Guddoomiye ku-xigeenkiisa iyo Ku-simha Xoghayaha xisbiga UDUB wuxuuna ku sheegay in Cabdixaliiim Maxamed Muuse uu ahaanayo ku-simaha Xoghaya inta la iskaga imanayo.

Qoraalka Guddoomiyaha UDUB wuxuu u dhignaa sidan:- “Mudane Guddoomiye Ku xigeen adiga ayaa C/Xaliim u magacaabay Ku simaha Xoghayaha, aniguna waan kugu raacay sidaasi daraadeed isaga ayaa ahaanaya ku simaha Xoghayaha xisbiga UDUB inta aynu iskaga imanayno haddii ALLE yidhaahdo. Khilaafka xisbiguna yaanu halkaasi dhaafin.”

Qoraalkani wuxuu noqonayaa qaraarkii labaad ee Axmed Yuusuf Yaasiin soo saaro ee uu Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Madaxweynihii horena laalo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net