Daahir Rayaale Oo Dardaaran Adag Ujeediyay Reer Awdal

Boorama, (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa shacabka reer Boorama ugu baaqay  inay nabadda ilaashadaan isla markaana ku waaniyay in ay isku duubnida  iyo wada jirka ummadda ku midaysnaadaan.

Waxaa kale oo uu guud ahaan bulshadda reer Somaliland   kula  dardaamay in ay horumarka iyo geediga  hayaanka ah ee ay caalamka  ku  higsanayaan in ay halkaa ka sii wadaan,isagoo ALLE na uga baryay in uu abaarta ka jabiyo oo uu u shubo raxmaddiisa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ayaa sidaa ka sheegay casuumad sharafeed hadhimo oo uu   u  sameeyay Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) shalay Madaxweynihii hore.

“Waxa aan Alle idinka baryayaa reer Boorame  wixii u ahaa Astaanta inaad halkii ka sii waddaan ,nabad iyo Taariikh ayaad samayseen ,Taariikhdaasi ayaanay lumin ayaan idin leeyahay,dhibaatada abaartana ALLE ha innaga saaro,”ayuu yidhi Md Daahir Riyaale.

Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay .“Waxa aan ummadda u rejaynayaa  hayaanka qarankeenu ugu jiro madax-banaanidiisa  iyo horumarka inay halkaa  ka sii waddaan,khayr ayaan idiin rajaynayaa inaad isku duubnaataan ayaan idiin rejaynaa inaad nabadda ilaashataan ayaan idiin rejaynaa,  inaad wax wada qabsataan ayaan idiin rejaynayaa.”

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale ayaa  bil  ka hor dalka ku soo noqday kadib markii uu in muddo ah ku maqnaa dalka dibaddiisa.