Daahir Rayaale Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Afar Sanno Ka Dib Iska Saamaxay Qardoofooyin Siyaasaddeed

Haregysa, (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddo dheer is-maan-dhaaf siyaasaddeed ku kala maqnaa, ayaa shalay markii ugu horreysay kulan gaar ah wada yeeshay.

Sida uu waraysi gaar ah oo uu wargeyska Hubaal siiyey ku sheegay madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu kulankaasi ka dhacay aqalka madaxweyne Daahir Rayaale, waxaanay labada dhinac iska saamaxeen khilaaf siyaasaddu keentay oo ay ku kala maqnaayeen muddo afar sano ku dhaw.

Khilaafkaas oo ka bilaabmay Burburkii Xisbigii UDUB oo labada masuul midba garab taageeray, ayaa waxa uu keenay inay muddadaas dheer kala maqnaanaadaan, balse Raalligelintii uu dhawaan bixiyey Madaxweyne Rayaale, ayaa keentay inay markale dib u midoobaan oo isku soo noqdaan.

Sida uu sheegay Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kulankaasi ahaa mid la iskaga raalligeliyey wixii dhacay, isla-markaana dhinac waliba masuuliyadda qaybtiisa qaatay, waxana raallligelintaas aqbalay Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu xilligaas wax badan tirsanayey.

Saaxiibaddan hore, ayaa ku ballamay inay boodhka ka jafaan hankoodii siyaasadeed, waxana ay isla soo qaadeen in xisbigii UDUB uu markale shaashadda kusoo noqon karo marka la furo axsaabta oo shan sano ka hashsan tahay.

Labada dhinac, ayaa sida uu Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay farxad iyo galgacal isku qaabilay, waxana ay ku ballameen inay horumarka dalka iyo isku duubnida Bulshada ka shaqeeyaan, maadaama dalka ay sumcad badan ku leeyihiin.

Somalilandpost.net

Xigasho: Hubaal