Daadadka Roobka Gu’ga oo waxyeello ballaadhan gaadhsiiyey qaybo ka mid ah Qubuuraha Naasahablood Ee Bariga Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Daadad xoogan oo ka dhashay roobabka Gu’ga ayaa baabiiyey qaybo badan oo ka mid ah xabaalaha ku yaala agagaarka buuraha Naasa-hablood oo dhinaca Bari ka xiga yaala Caasimadda.

Daadadkan oo ka soo rogmada buuraha dhinacyada ka xiga meesha ay xabaaluhu ku yaallaan, ayaa marin-biyoodyo ka dhex samaystay xabaalaha dhexdooda, iyada oo aanay jirin wax moosas ah oo laga sameeyey hareeraha xaabalaha oo biyaha ka duwaya.

Xabaalahan ay daadadku baabiyeen ayaa isugu jira kuwo dumay, qaar ay dul-mareen iyo kuwo hoos isugu fadhiistay, iyadoo qaar kale oo badanina hadda qarka saran yihiih inay dumaan haddii aan laga gaadhin.

Xabaalahan oo ku yaalla meel ciiddeedu jilicsan tahay, isla markaana meelo ka mid ah ay hore u mari jireen daadadka buurta ka soo rogmanaya ayaa xidhmay ka dib markii ay xabaaluhhu bateen.

Inkasta oo wax-ka-qabashada xaalladan ay ku sugan yihiin xabaaluhu ay waajib ku tahay qof kasta oo islaam ah, haddana waxa si gaar ah xilkaasi u sii saaran yahay Dawladda hoose ee Hargeysa inay moos ku wareejiyo ama gacamo u samayso daadka xabaalaha dhexmaraya.

SLpost News/Hargeysa