Daacish oo guuto ka tirsan ilaalada xuduuda Ciraaq ku go’doomisay Anbaar

Xogo milatari oo la helay ayaa sheegay in dagaalyahannada kooxda la baxday Dawladda Islaamku ay weerar ku qaadeen goob laga iskag tallaabo oo ku taal halka ay iskugu yimaadaan soohdimaha dalalka Ciraaq, Urdun iyo Sucuudigu

Xogta ay ka heleyaan warbaahinta caalamku gobolka galbeed ee Anbaar ayaa sheegaya in ciidanka halkaa lagu weeraray ay dalbadeen xoojin iyagoo sheegay in rasaastu ka sii go’ayso oo ay ka baqayaan in halkaa lagu xasuuqo.

Xogtu waxay intaa ku dartay in guutadan weerarka lagu hayaa sheegtay in hadii lala soo gaadhi waayo gurmad degdeg ah, ay mudan doonaan wixii laba sanadood ka hor ku dhacay guuto ka mid ahayd ciidanka Cirqaaq ee sida gaarka ah u tabobaran oo 150 askari oo ka mid ahaa kooxda Daacish xasuuqeen ka dib markii ay jabiyeen guutadii ay ka tirsanaayeen.

Todobaadii la soo dhaafay ayaa qaraxyo kooxda Daacish soo maleegeen waxa ku dhintay 15 askari oo ka tirsanaa ilaalada xuduuda oo ku sugnaa goob koontarool oo u taal xadka Ciraaq iyo Urdun u dhexeeya.

Kooxdan Daacish oo haatan lagu hayo guluf ballaadhan oo ciidanka Ciraaq doonayo in uu kaga qabsado magaalada Mosul, oo ah tii ugu dambaysay magaalooyinka waawayn ee ay gacanta ku hayaan, ayaa waxa la ogaaday in ay kooxdu la soo baxday xeelado cusub oo ay ku doonayso in ay furimaha ku badiso si duullaanka lagu hayo Mosul laxaadkiisu u kala qaybsamo