Daacish Oo Ciidamada Suuriya Ka Qabsaday Magaallo Istaraatiji Ah

Palmyra, (SLpost)- Warbaahinta dalka Suuriya ayaa sheegaysa in xooggaga Daacish ay ciidammada dawladda ka qabsadeen magaalada qadiimiga ah ee Palmyra.Palmyra

Qabsashada Palmyra ayaa guul weyn u ah xooggaga Daacish ee Suuriya, waayo magaaladan waxa ku taalla waddo muhiim ah oo isku xidha bariga iyo galbeedka dalkaasi.

Waxa sidoo kale deegaanka ku yaalla goobo gaasta dabiiciga ah laga helo, kuwaas oo qiimo weyn u leh Daacish.

Magaalada ayaa waxay caan ku tahay xabsi weyn oo uu maamulka Suuriya ku xidhi jiray maxaabiista siyaasaddeed.

Balse qiimaha taariikhiga ah ee ay leedahay magaalada ayaa ah waxay soo jiidatay indhaha caalamka.

Dagaalka ayaa burburiyay qaybo ka mid ah magaaladaasi qadiimiga ah. Waxaana maalmihii la soo dhaafay laga daabulay Palmyra qaar ka mid ah alaabaha taariikhiga ah.

Balse taalooyinka, qabuuraha iyo macbadyada ku yaalla magaalada, ayaa hadda khatar ugu jira inay burburiyaan xooggaga Daacish.

Somalilandpost.net