Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Taleex U Tagey Dejinta Colaad Laba Beelood Dhexmartay

Taleex, (SLP)- Cutubyo ka mid ah ciidamada qaranka Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Taleex ee gobolka Sool, ka dib markii dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barkac uu maalintii shalay ku dhexmaray degmadaas laba beelood oo wada-dega.Ciidanka qaranka

Cutubyada ciidanka qaranka ee gaadhay degmada Taleex ayaa saldhig ka samaystay deegaan ku yaalla duleedka degmadaas.

Cabdirashiid Xirsi Dalmar oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool ayaa sheegay ciidamadu ay u tageen si ay ammaanka degmadaas u sugaan.

“May ahayn ciidamadu duullaan ee waa kuwo doonaya inay wax ka qabtaan colaadda labada beelood u dhexeysa, waxaanan rajaynayaa in waqti dhaw ay guurti iyo wasiiro ka socda Somaliland hawshaasi u iman doonaan Taleex.” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenku.

Degmada Taleex ayay xaaladeedu deganayn maanta, iyadoo ay jiraan waxgarad iyo madax-dhaqameedyo halkaas hore u tagey, kuwaasoo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo maanta ku hawlanaa sidii xaalka loo dejin lahaa.

Dagaalkan labada beelood dhexmaray ayaa sababay barakac, iyadoo ay dadku muddo sanad iyo badh ku dhow kasoo kabanayseen barakac magaaladaas markii ciidamada maamulka Puntland ay isku dhaceen dabley deegaanka ka tirsan, kaasoo sababay aafada colaadeed ee soo noq-noqonaysa.

Somalilandpost.net