Cusbitaallada Yemen Oo Dawooyinkii Ka Dhamaadeen Iyo Dhaawacyada Oo Sii Kordhaya

Cadan, (SLP)- Cusbitaallada magaalada Cadan ayaa waxa ka sii dhamaanaya dawooyinka muhiimka ah, iyadoo dagaalka u dhaxeeya ciidanka dawladda oo ay taageerayaan xulafada Sucuudigu horseedka ka yahay iyo fallaagada shiicada ee Xuutiyiinta uu sii socdo.

Wararka sheegaya in dad bukaan ahi ay geeriyoonayaan, ka dib markii ay waayeen inay helaan dawo iyo dhakhaatiir daweeya.

Kooxaha caafimaadka ayaa waxa ka batay tiro badan oo ah bukaanno ah oo cusbitaallada la soo dhigay, waxayna codsanayaan in la soo kordhiyo dawooyinka antibiotics iyo baandhayska.

Hogaamiyaha fallaagada ayaa ku eedeeyey Sucuudiga inuu doonayo inuu qabsado oo uu ku jiro dalka, isla markaana uu haysto.