Curadka H/Awal Shirkiisa Dubur iyo Cadceed soo Baxday midna Lama Qarin Karo

Cali Qoryoolay

Markii aan si fiican u dhuuxay khudbadihii waayeelka ee  lagasoo jeediyay shirweynihii guud ee beesha Ciise Muuse ee laga fu

Cali Qoryoolay

ray 29kii Sebtember 2011di,  Geedkii uu gudoomiyihii xeerbeegtidii beeshaasi ee caanka ahaa uu fadhiisan jiray,waa Cali Jaamac Haabiile ee duleedka degmada Sheekh gaar ahaan dooxada Dubuur.Dhageysigaygii khudbadihii salaadiintii goobtaas ka hadashay,ee uu u horeyay suldaanka guud ee beesha Subeer Awal,suldaan Xasan Suldaan.Cabdilaahi,kuna xigay Suldaanka guud ee beesha Ciise Muse Suldaan Cusmaan C. Kooshin,Suldan Maxmuud Axmed Sheekh ,m/weyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Y Yaasin  ,jiif caaqil Muuse Xirsi (muuse Dalab)   iyo xeerbeegtidii faraha badnayd ee halkaas ka hadashay,dhadhansigeygii habeen hore ee nuxurkii weynaa ee ku jiray hadaladooda waxay igu dhiirisay.inaan wax ka idhaahdo shirkaas ka unkamay goobta ayaanka badan,ee ay isugu yimaadeen dadkii ugu ayaanka badnaa bulshada reer Somaliland,ee magaca ayaanka badan leh loo bixiyay ee  (dan iyo Duco),magacaas oo aan u fahmay sidan , hagaajinta danaha guud iyada oo lagu darayo ducadii uu Awal Ayaanle  Aabihiisii Qudbu Sebanka ahaa uu  ka dhaxlay,

Markii aan daraasadeeyay inay beelaha Ciise Muuse iyo Habaryoonis yihiin,baarkii sare ama kuruskii beelaha reer Sheekh isaxaaq(LAF  DHABARTII DHEXE ),taasoo aan ku saleyay labadaas beelood oo dega badhtamaha dhexe ee beelaha Sheekhu dhalay,dabadeedna beelahaasi ay min xeebta Berbera ilaa dhulka howdka ah ee Mohollin ay wada degaan,iskuna lammaan yihiin dhib iyo dheefba,iyaga oo xittaa dagaaladii siyaasadeed ee geyigan ka dhacay aanay saameyn taban ku yeelanin wada noolaanshohoodii iyo dhaqan wadaagoodii

Markii aan aqoontayda bulsheed shaki la,aan ku ogaaday,inay guud ahaan bulshada uu dhiigu mideeyo ,ay la mid yihiin sidii biyo meel Haro weyn ah ka buuxa ama ku jir oo fadhiya,kuwaasoo cidhifyadooda ay xooluhu ka cabbayaan ay callow noqoto,oo ay midab doorsoomaan biyihii Harada qarqarradoodu,laakiin aanay Harada badhtameheeda biyuhu callow noqonin balse ay nadiif cad ahaadaan oo ay asalkoodii ku sugnaadaan,sidaas awgeedna ay bulshada dhiigu mideeyo,cidhifyada ay iskasoo galaan,bulshoyinka kale iyo badhtamaha sooca ah aanay isku nooc noqonin,balse ay kala duwanaan dhaqan ku timaado,hadaba beelaha  badhtamaha beesha reer Sheekh Isaxaaq dega waxay yihiin,badhax la,aan laf iyo dhuuxba dhaladkii asalka ahaa ee laga dheehan karayay dhaqankii suubanaa iyo dhimrkii weynaa ee  bulshadii ka farcantay sheekhaas,iyada oo ay bulshada 2daas beeloodba ay dhuuxii iyo dhuddii  laga dhadhansan karayay dhaqankii wanaagsanaa ee Sheekhii awoowga noo ahaa ee cilmiga diineed iyo  caqliga weynba Eebbe uu siiyay  ee Sheekh Isaxaaq,

Markii Xeerbeegtidii labadaas beelood ee tala qabeenka ahaan jiray aan dib u raacay,ee aan mid ahaan  kalasoo dhex baxay garyaqaankii weynaa ee daadihiyaha umadeed ee caanka ahaa waa Jiif Caaqil Faarax Suusle,e

Markii aan aqoontiisii,aragti dheeraantiisii,hal abuurnimadiisii suugaaneed iyo hogaamiyenimadiisii bulsheed ee xeesha dheereeyd daraasadeeyay,Eebbe ha u naxariistee Jiif Caaqil  Cali Jaamac Haabiil,duqaasoo beesha C,Muuse xeerbeegtideeda  muddo dheer hogaamiye u ahaan jiray,ayaan shirkaas iyo madashaas barakada badanba magaciisii lagu sunto jecleystay,iyada oo xeer beeleed lagu caddeyn doono milgihiisii,islamarkaana xeerbeegtida beeshu shirkan ku dooran doonto, aan jeclahay inay ila qiimeys tala soo jeedintaas,,

Arrimihii kale ee wabaagsanaa ee ay madashaasi mudneyd in laga sheeko ,waxa ka hadlay,odayadaii  furay shirkaas dan iyo duco,oo ma doonayo,inaan dib ugu noqdo, balse dadweynaha reer Somaliland ee dugsanaya,in shirkaasi  midho dhal wanaagsan ugasoo baxaan,oo ugu yaraan dhibaatooyinka badan ee haysta ,mid ama laba  ama saddex ama dhammaantoodba inuu ka xalliya rajeynaya,ee aan aniguna ka mid ahay,ayaan doonayaa,inaan xusuusiyo,inay dadka adduunweynaha inagula dhaqan,sida keliya ee ay xalka kaga gaadhaan mushkiladohooda ay tahay,inay habdhaqankoodii bulsheed ee hore dib u eegaan,iyaga oo xeerbeegtidoodii iyo xeerarkoodii bulsheed ee hore dib u raacaya.hadaba qabiilnimadeenu waa asaaskeena bulsheed, nudda ugu firfircoon,iyada oo keliya ayaa inoo dhisan ilaa maanta,qaabdhismeedka keliya ee soo raaca ilaa imika waxa weeye,nidaamkda dowladeed ee Somaliland ka jira,ee shirbeleedyadii Burco,Boorame iyo Hargaysa ay beelnimadu innoogusoo dhistay,la,aanteedna aynaan weligeen dhisan karreen,nidaam dowladeed sida kooxaha Muqdishona ay qabqablayaal dagaal innagasoo dhex bixi lahaayeen.  sidaas awgeed.waxaan halkan ku xardhayaa afareydan aan qabiilnimad kaalinteeda ku muujinayo.

  • Qabiilaba degaan gaar ahbuu daa,inkeen dhigaye
  • Qabiiladu  dan iyo daacadbay dood ka furataaye
  • Qabiiladu Dulliga wey nacdaa weyna dumisaaye
  • Marna dowladmaday dhistay dib u jalleecdaaye
  • Duqeyn iyo dad xeerbeegtiyay madal u dayrtaaye
  • Daadihinta guud iyo dalkay wada daweysaaye
  • Halkay Doogtu taal beel haday daari kari weydo
  • Iyadaa milgaha  laga dillaa oo laga danaystaa dheh

Aniga oo aan ku tiigaaleynin,waxaan yara tilmaamayaa,ninkii odayga ahaa  ee  curadkii Muse Subeer kasoo jeeday,ee jaraa,idka Somaliland qaarkood,wax ku qoray,isaga oo ka mid ahaa koox diiday oo bowjeex ku ahayd shirkaas Dubuur,aniga oo xusuusinnaya in shirkasta oo beeli madal weyn isugu timaadaba,ay jiri karaan rag diidan,ama rag yeeli kara  sidii uu boqor Cusmaan Buurmadow,uu u duc faruuri gaadhay shirweynihii beelaha  H/Jeclo ee Gar adag ku qabsoomay 2008dii,balse aanay go,aamadii shirkaas laga filayay ee bulshadii u dhegtaageysay aan anigu ka mid ka ahaa, ee inta ay salaadiintii Sacad Muse direen ( Suldan Xassan Suldaan Nuur),ee aan Burco tagay,aan guddigii qabanqaabada hirkii Gar adag  qoraaladii tala bixinta ahaa aan sidaas ku gaadhsiiyay,shirkaasina aanu u hakanin bowjeexii,hadaba aniga oo xurmaynaya,raggaasna waxan aan odhan lahaa,adeerayaal curadkii Muuse Subeer ayaad tihiine,curad iyo cadceed soo baxdayna lama dhaafo ayay Somaliland ku maahmaahdaa oo waad ogtihiine,u tudha magaciina iyo  milgaha iyo maamuuska suldaanka guud ee subeer Awalba,maxaayeelay suldaanka guud  midnimada beesha Ciise Muuse iyo kor u qaadida sharafta shirweynohooodaas Dubuur,ammaan mooyaane wax kale kuma mutaysan karo,ee sidaas ku qanca,tolkiina ha ka hadhina ee shirka Dubuur taga oo taageera.

Walaalayaal ergooyinka sharafta leh shirka barakeysan ee  Dan iyo Ducoow,waxaad ogaataan,in Ilbaxnimada  umaddakasta lagu cabbiro,kolba sida ay ugu Dhistaan  Seeska Hoose ee  nidaamkeeda Dowladeed    Hab Dhaqankii  Maamul ee hore ee ay Bulshadaasi lahaan jiray.laakiin dalakii dunida saddexaad waxa horumarkoodii caqabad ku noqday,iyaga oo nidaamkoodii dowladeed,laga dhigay shay dhismihiisii hoose dhaqammo shisheeye lagu bineeyay,taasaana dumistooda faraha badan sabab u ah,markaas ha illaawiina inaad dhismihii nidaamkeena dowladeed ee asaaska beeleed ku salaysnaa, sida golaha Guurtida aad sii adkaysaan,waxa kale oo aad ogaataan inaynu dhismihii Somaliland innaga hormuud u ah,aynu beeshii walaaleheen ka mid ahayd, ee aynu dadka ugu jecleyn inaynu  dagaal adag kula galay 1994-1997dii,sidii Axmed Yuusuf  Yaasiinba u sheegeyna ay 5 kun oo nin inaga dhinteen,maantana aanay innoo bannaanayn wax aan dagaal ahayn,inaynu kula xaajoono ciddii Somaliland ka hor timaada sir iyo caadba,.

Murti Soomali ah ayaa tidhaahda,( Raggu iyagu wey is arkaan laakiin isku si wax  uma wada arkayaan) Markase dhaqankii dadka Somalida lagu noqdo,marka ay reeraha hayaanka ahi meel cusub aqalada ay ku furaan ee ay  reeraha dejiyaan,maalmaha iyo mudooyinka hore ee ay Oodoodu caleemaha sii leedahay,ee aan dhamaan xerryihii yaryaraa ee maqasha xoolaha gaarka loogu sameyn lahaa,ee dhamaan Oodihii kala duwanaa  ee reerka nidaamkiisa lagu hagaajinayay ,sida Dudooyinkii kala dambeeyay ,musdambeedkii,edegyadii iyo Qolqoladii Oodaha  aan la  wada kala xidhxidhin ee aan la kala xadidin ee aan la wada kala qoqobin  xerooyinKa Xoolaha reerka ee Ashinka iyo Adhiga kala ahaa, mudada aan howlahaas reerka lawada  dhamaystirin ,ayaa loo yaqaanaa  dhaqan ahaan inuu reerkaasi xaalad LOXOS ah uu jiro,qarankan Somalilandna waa qaran cusub oo u baahan in si ballaadhan oo daacadnimo ku jirto, looga fekero waxkasta sharciyad ah oo nidaamkiisa dowladeed lagu hagaajin karo oo lagu loxos saari karo.iyada oo ay beelnimadii hore usoo dhistay hormuud ka noqonayso hagaajintiisa iyo sii adkeynta tiirarkiisa.beesha C,Muusana dhamaystirka xeerarkii nidaamkeena bulsheed,iyada oo laga qabyatirayo seeska hoose sida xeerarkii  beelnimada ,degmanimada,gobonimada iyo qaranimada,waa  inay waxgaradka halkaas fadhiistay noqdaan kuwii lagu reeyo,ee ka waxtar bata shirarkii la heerka ahaa ee beelaha kale ee Somaliland waayadan dambe yeesheen oo dhan,oo ay aad uga fekeraan arrimahaas ayaa loo baahan yahay,oo aanu shirkoodu magaca beesha Subeer Awal magaca  beelaha kale ee dalka iyo magaca dowladnimada Somaliland aanu waxtar mooyaane,  waxyeelo iyo wax dhimaal ceeb inagu noqda midna u horseedin

 Walaalayaal ergooyinkii shirka Dubuuroow waxaan idin xusuusinayaa,in 1960kii ay axsaabteenii qaran dowladnimadeenii Xamar ku tureen,laakiin aanay beelo iyo salaadiin ku tuurin,sidaas awgeed aad isha ku haysaan khiyaamooyinka qarankeena ay axsaabtu ku hayso.idinka oo ogsoon in himilooyinka ay Ummadaha Adduunka  Wada Higsanayaan, kuwaasoo saldhig u ahaa  Ilbaxnimadii ,Horumarkii iyo Cisigii  Ugu Weynaa ee ay  bulshada  Aadamuhu  Gaadhay tubta horumarka lagu gaadhana  toobiye malaha,waxase loo maraa,

Xornimo, Yagleelista iyo Adeegsiga Awoodda Dowladeed. Nabadgelyo buuxda oo naf iyo maalba shacbigu helo,Xukun Caddaaladeed oo bulshada ugu Garsooraya   Caqiidadoodii   , Deganaansho buuxa oo Siyaasadeed iyo kalsooni  hogaamineed, Sare u qaadista aqoonta bulshada waddanka ku nool, Taabista Horumarka  iyo nolosha wanaagsan ee bulsheed

Himilooyinkaas sare qaybtoooda hoose, waa himilooyinka waa weyn  ee u hadhsan waddanka Somaliland ama waa qaybaha uu qaranka Somaliland weli gaadhistooda uu higsanayo,mana gaadhi doonno horumar,haddi aynaan xaqiiqooyinka dhismeed ee tallaabooyinkaas ku dhex jira aynaan qaran ahaan si run ah u waajihin.

Qalinkii: Cali Dool Axmed (Cali-Qoryooley)

Tel. 4405993