Cuntooyinka Shiilan Iyo Hilibka Xoolaha ee Solayga Ahi Waxa Ay Qofka Ku Keeni Karaan Wadne Xanuun

Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in dadka jecel cunitaanka cuntooyinka shiilan iyo hilibka solayga ah oo ay ku cabbaan sharaab macaan in ay boqolkiiba 56 khatar u yihiin in uu ku dhaco wadne xanuun iyo guud ahaan cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Circulation oo ay soo saartay jimciyadda Maraykanka ee caafimaadka wadnaha ayaa la waday muddo lix sano ah oo tijaabooyin kala duwan lagu sameeyey dad ka badan 17 kun oo qof oo da’doodu ka weyn tahay 45 sano jir. Waxa aanay ku soo gabagabootay natiijada ah in dadka aad u cuna cuntooyinka ay ka mid yihiin, digaagga shiilan, tamaandhada akhtarka ah, baradhada shiilan, hilibka xoolaha, gaar ahaan marka uu solayga la qallajiyey yahay ay dadka kale ee dhiggooda ah ee aan cuntooyinkan cunin uga dhow yihiin wadne xanuunka iyo cudurrada la xidhiidha.

Cuntooyinka caafimaad ahaan fiican ee ay daraasaddu ku talisayna waxaa ka mid ah, khudradda cagaaran, cuntada galka leh (Midhaha ah, sida galleyda, digirta iwm), caanaha, kalluunka iyo digaaggu marka aanu shiilnayn.

Wadne xanuunnku waa sababta dhimasho ee ugu badan dunida maanta. Waxaana jirta qaylo dhaan la xidhiidha wadne xanuunka oo ay in badan khubaradu ka digayaan in dib looga fikiro noocyada cunto ee aynu cunno si looga badbaado cudurkan khatarta ah. Cuntooyinka ay sida adag uga digaanna waxaa ugu horreeya hilibka xoolaha.

Xigasho Geeska Afrika