Cunista Kalluunku Waxa Ay Dawo Ka Tahay Niyad Xumida Iyo Cudurka Nafsiga Ah Ee Qulubka 

Beautiful female laying on the flower filed

 

London (SLpost)- Lafogur iyo dib u eegis lagu sameeyey 26 cilmibaadhisood oo hore loogu sameeyey in ka badan 150 kun oo ruux ayaa lagu ogaaday in dadka kalluunka cuna uu cudurka nafsiga ah ee Qulubka (Depression) boqoliiiba 17 ka yaraado. Iyada oo ay culimada arrintan u kuurgalayna sababaha u tirinayaan dufanka asiidhka ah ee kalluunka ku jira oo saamayn togan ku leh dhinacyo kala duwan oo shaqada maskaxda ka mid ah.

Haayadda MIND ee samofalka oo ka shaqaysa caafimaadka nafsiga ah, xarunteeduna tahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in cilmibaadhistani ay taageerayso cilmibaadhiso kale oo muujiyey in uu xidhiidh ka dhexeeyo nooca cunto ee qofku qaadanayo iyo deggenaanshiyihiisa nafsiga ah iyo weliba dabeecaddiisa shakhsiga ahba.

Beautiful female laying on the flower filed

In kasta oo aanay daraasaddani si cad oo cilmiya u sheegin halka ay iskaga xidhnaan karaan cunista kalluunka iyo ka hortagga murugada iyo qulubku haddana xeeldheerayaal badan ayaa soo dhoweeyey kuna tilmaamay in ay tanina ka mid tahay uun faa’idooyinkii awalba la ogaa ee uu kalluunku u lahaa caafimaadka maskaxda. Waxaana jira saynisyahanno iyagu si gaar ah u tilmaamay dufanka Omega3 ee kalluunku qaniga ku yahay oo ay sheegeen in ay si weyn u firfircoonayso labada maaddo Kiimikaad ee Dopamine iyo Serotonin oo la aaminsan yahay in ay kaalin ku leeyihiin qulubka iyo murugada.

Xigasho Geeska Afrika