Culimo uu Hoggaaminayo Wasiirka Diinta & Aw-Qaafta oo Bandhigga Caalamiga Ah ee Buugta Hargeysa Kaga Hadlay Doorkii Hoggaamineed Ee Nebi Maxamed (NNKH)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar oo ka mid culimada Somaliland ayaa khudbad ku sabsan doorkii hoggaamineed ee Nabi Maxamed (NNKH) shalay ka jeediyey bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa.

Sheekh Khaliil iyo Sheekh Dalmar ayaa sheegay in hoggaamintii Nabi Maxamed (NNKH) ay ahayd mid dhamaystiran oo uu ILAAHEY (SW) quraankiisa inoogu sheegay inay ku dayasho inoogu sugan tahay.

IMG_3961Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Wasiirka Diinta  iyo Awqaafta Somaliland oo  ka hadlayey doorkii hoggaamineed ee nabi Maxamed (NNKH), waxa uu yidhi “Sanadkani waa sanadkii 9-aad  Bandiga caalamig ah ee Buugta Hargeysa ee uu ku soo casuumo aqoonyahanka  caalamka si uu da’a yarta u tuso aqoontu inay tahay Wax la qoro, isla markaana aduunka la tuso qarankani wuxuu qabsaday, markaa waa u mahadcelinayaa Jaamac Muuse Jaamac iyo bahdiisa hawshaa adag ee ay wadaan”.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlaya doorkii hoggaamineed ee Nabi Maxamed (NNKH), waxa uu yidhi “’Nabi Maxamed (NNKH) Naxariis ayuu ku hoggaamin jiray bulshada, sidoo kale waxa uu ku hoggaamin jiray deganaan iyo akhlaaq, mar waxa uu ahaa askari ciidan hoggaamiya, mar waxa uu ahaa waalid qoys hoggaamiya oo waad garanaysaan shaqadii u horeysay ee loo diray waxa ay ahayd Adhi raac oo inagu xoolo dhaqato ayeynu nahay oo waynu dareemi karnaa doorka adhi raacu ku leeyahay hoggaaminta, waana xayawaan doonaya in la isku wado oo qaarkood ay hadhayaan xawayaan cuna u nugul, sidoo kale ka bax baxsada, iyada oo aanu jirin nabi dunida soo maray oo aan adhi loo dirin, markaa waxa aynu odhan karnaa mar hadaynu nahay xoolo dhaqato waxa aynu haynaa dhaxalkii nabiga (NNKH)”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Cidda aad raacayso hadaf ayaad ku raacaysaa, iyada oo hoggaamiye ahaan lagaaga baahan yahay inaad hadaf yeelato oo meel aad dadka u kaxaynaysaa ay jirto, waxaanu Nabigu (NNKH) ka soo dhex baxay umad aan waxna qorin lahayna dhaqaale iyo hanti buuran oo ay dunida ku maamulaan, waxaanu nabigu (NNKH) 50 sano ku gaadhsiiyey umaddii horumar oo uu dunida oo dhan gaadhay hoggaamintiisu, waxaana mark laga tago Muslimiinta ay ilaa xitaa gaalada qaarkood ka qoreen buug ay ku qirayaan hoggaamintiisa iyo saamayntii uu dunida ku lahaa, iyaga oo aan Nabinimadiisa qirsanayn, halka qorayaasha qaarkood qoray hoggaamiyeyaashii dunida ugu saamaynta badnaa ee soo mara ay mar kasta ka dhigaan ka koowaad”.

IMG_4012Wasiir Khaliil oo ka hadlayey heerka bulshada ee hoggaamiyaha iyo la hoggaamiyaha waxa uu yidhi “Culimadu waxay sheegaan marka ay hoggaaminta iyo bulshada ka hadlayaan in 1% hoggaamintu tahay wax loo dhasho, halka 1% in dadku la hoggaamiyo u dhashaan, balse 98% kale la barto hoggaaminta, iyada oo marka aad doonayso inaad hoggaamiye noqoto ay muhiim tahay inaad hadaf leedahay oo aad maamul wanaaga taqaan, sidoo kale inaad dadka la xidhiidhi karto, waxaana muhiim ah inaad dadka dhaqaajiso adiga oo adeegsanaya qalab mafaatiixda dadka ah oo dadka qaar ayaa mafaatiixda khayrka ah qufulka sharkana ah, halka dadka qaar yihiin mafaatiixda sharka iyo qufulka khayrka, waxaanu nabigu (NNKH) inoo sheegay in ay jiraan dad khayrkana fura sharkana xidha”.

Wasiir Khaliil ayaa sheegay in hoggaamiyaha looga baahan yahay inuu garto qof kasta iyo waxa kala gudboon ama uu ku qancin karo, waxaanu yidhi sheekhu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dadka aad hoggaaminayso waa inaad garato qof kasta waxa aad ku qancin karto oo dadka aad hoggaaminayso qaarbaa kharash kaaga baahan oo aanad hoggaamin karayn la’aantii, isla markaana nusqaan noqonaysa oo haddii aynu tusaale u soo qaadano nabiga (NNKH) ayaa barri nin u yimid markaasuu yidhi dhaqaale I sii markaasuu siiyey hadana wuu u yimid oo wuu ka dalbaday waanu siiyey, mar sadexaad ayuu u yimid oo ka dalbaday waanu siiyey dhawr jeer markuu ninkii ku soo noq noqday ee uu nabigu siiyey ayuu markii dambe ee uu ka dhamaaday ayuu u yimid oo uu ka waayey, waxaanu yidhi Nabigu (NNKH) haddii aan hayn lahaa waan siin lahaa, marka aad hoggaamiye tahay qofbaa amaan kaa doonaya oo aad ku maamuli kartaa, dadka qaar ayaad ku hoggaamin kartaa awood iyo adiga oo ka cabsiiya, dadka qaarbaad ku dhaqaysaa inaad wax u balan qaado”.

Sheekh Khaliil ayaa waxa uu tilmaamay in hoggaamiyaha looga baahan yahay inuu yeesho koox la shaqaysa oo kala shaqaysi hirgalinta hadafkiisa waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Marka aad hoggaamiye tahay waxa loo baahan yahay inaad yeelato kooxdii kula hirgalin lahayd Ujeedaada ama hadafkaaga, waxaanu nabigu (NNKH) lahaa Asxaabtiisa oo la hirgalinaysay hadafkiisa diinta Islaamka iyo hagaajinta bulshada, waxaana si gaar ah la taliyeyaal ula ahaa Abubakar Sadiiq (RC) oo mar kasta xaga degan talada ka eegi jiray  iyo Cumar Binu Khadaab (RC) oo mar kasta halka adag talada ka eegi jiray, markaa taasi waxa ay ina tusaysaa sida looga baahan yahay inaad la taliyeyaal dhinacyo kala duwan u baahan tahay, sidoo kale waa inay la taliyayaashaadu noqdaan dad maal, caqli iyo talo kula barbar taagan, waxa nabig (NNKH) laga bartay inuu yool leeyahay oo akhlaaq iyo wanaag leh”.

Wasiir Khaliil oo ka hadlayey doorka hoggaamiyaha xumi bulshada ku yeesho waxa uu yidhi “Haddii bulshadu na hoggaami ku tidhaahdo oo  aad ula kacdo dhinaca xun saamaynteeda ayuu kugu yeelanayaa, tusaale ahaan Fircoon iyo Hitlar ayaa  inoogu filan sidii uu ugu yimid si ka xun iyaga oo ah ayuu hoggaamiyaha xun ka tagaa”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Hoggaaminta casriga ah iyaduna tusaalayaal ayey leedahay oo haddii aynu eegno Nelson Mandela ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha wakhtigan casriga ah dunida soo mara oo inagu kama eegayno oo kaliya Islaamka, waxa aynu ka eegaynaa ilaa Bani aadaminimada”

Sheekh Khaliil ayaa sheegay in hadafka uu leeyahay hoggaamiyuhu loo baahan yahay inay bulshada la garato, waxaanu yidhi “Waa in bulshada aad hoggaaminayso iyo kooxda kula shaqaynaysaa kula garataa hiigsiga aad leedahay oo hadaanay cidi kula garanayn oo kalidii jiroo iyo kalidii aqoon aad noqoto suurtogal noqon mayso inaad hogaamintaada ku guulaysato oo ILAAHEY (SW) waxa uu inoo sheegay in Nabi Maxamed (NNKH) tusaale fiican inoogu sugnaaday”.

Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar oo isna sharaxaad ka bixiyey doorkii hoggaamineed ee Nabi Maxamed (NNKH), waxa uu yidhi “Hoggaamintu waa ammaanada ILAAHEY bani aadamka u dhiibay sidii loo wadi lahaa, hoggaamiyaha wanaagsan waxa lagu gartaa waxa uu soo saaraa wax wanaagsan oo ka hadha marka uu ka tago hoggaaminta oo Nabi Maxamed (NNKH) hoggaamintiisu waxa ay ahayd mid dhamaystiran oo  aanay cidi gaadhayn, balse tusaalayaal  ayaa inoogu filan iyo ku dayasho, waxaana hoggaamiyaha looga baahan yahay inuu haybad yeesho oo uu dedaalo oo  tusaale ahaan dad ayaa leh aaraa iyo fikir ay soo kordhiyaan, balse aan dedaal ku sii wadi Karin, halka dadka qaar leeyihiin fikir balse cid marka ay horyimaadaan aanay ka dhaadhicin Karin, waxaana loo baahan yahay inuu hoggaamiyuhu naftiisa ka adkaado oo hoggaamiyuhu marka uu naftiisa ka adkaado ayuu naf kale hoggaamin karaa”.

Sheekh Dalmar oo ka sheekeeyey doorka Islaamka iyo Rwanda waxa uu yidhi “Haddii aynu tusaale u soo qaadano Rwanda xasuuqii ka dhacay labaatan sano ka hor oo  maalaayiin qof la laayey todobaad gudahood ayaa barigaa 7% ay islaam ahaayeen halka ay maaanta yihiin 18%, waxaana keenay kor u kacaa nidaamka Islaamka oo  laga dhadhansaday naxariis, waxaana jirtay sheeko ka dhacday Rwanda, taasi oo ahayd  in qoys muslim ah oo ka soo jeeday dadka wax xasuuqayey ay soo xareeyeen oo ay qariyeen nin ka soo jeeday dadka la xasuuqayey oo ay la baxsadeen markii gurigii ay ku jireen lagu soo dhawaaday, waxaanu ninkii la yaabay sida dadkan dadkoodu xasuuqayaan u bad baadiyey, isaga oo weydiiyey sababta ku kaliftay waxaanay u sharaxeen in diintooda Islaamku farayso inay dadka u naxariistaan halkii ayaanu ninkii ku Islaamay, dhinaca kalena baadari awoodayey inuu dadka badbaadiyo ayaa kiinasada ayaa lagu badbaadayaa ku yidhi dadkii markii ay ka soo buuxsameena dhammaantood waa la laayey”.