Culimada Somaliland qaarkood oo khudbaddii Maanta kaga hadlay Dilkii foosha xukumaa ee dhawaan ka dhacay Seemaal

Hargeysa, (SLpost)- Culimaa-udiinka Somaliland ee ku nool Caasimada dalka ee  Hargaysa Iyo Magaalooyinka kale ee Wadanka ayaa maanta si adag u canbaareeyay dilkii waxashnimada ahaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal ee ay ku naf waayeen Sadex nin oo laba ka mid ahi is dhaleen  .

Inta badan khudbadihii Salaadda Jimce ee magaalooyinka dalka qaarkood ayaa lagu soo qaatay falkii axmaqnimada lahaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal .

Khadiibka Masjid Jaamaca weyn ee Magaalada Hargaysa Sh. Ismaaciil Xasan Faarax ayaa khudbadii salaada jimce waxa uu si qoto dheer uga hadlay in diinteena suuban ee Islaamku ay tahay mid nabadgalyo , isla markaana xoojinaysa sida uu sheegay  is dhex galka bulshada iyo kuwada noolaanshaha xayn daabka amniga .

Sh. Ismaaciil Xasan Faarax waxa uu cadeeyay inay xaaraan tahay inaad sabab la’aan ku disho naf bani aadam ah, isagoo ku sifeeyay -falkii ka dhacay deegaankaas fidno la rabay in lagu soo dhex tuuro shacbiga isla markaana  ka hor imanaya maslaxada iyo wada dhalashada ummada Somaliland .

Sidoo kale Sh.C.raxmaan Yuusuf Jaamac ayaa isaguna ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku wada nool Gobolada Gebilay iyo Awdal inay ka taxadiraan wax kasta oo sii murgin kara dhibta taagan ,oo saamayn weyn ku leh mujtamaca, waxaanu xusay inaan qofka xun loo nisbayn bulshada inteeda kale , Waxaa kale oo sheikh C.raxmaan Yuusuf ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay sida ugu deg dega badan u soo qab qabtaan dhagar qabayaashii falkaas naxariis darada ah gaystay.

Dr Siciid Maxamed Cabdule oo ah gudoomiyaha Jaamacada Sutek oo ka mid ahaa aqoonyahankii ka hadlay Masjiid Jaamaca Weyn ee Magaalada Hargaysa ayaa tacsi u diray qoysaskii ay dadkoodu ku dhinteen Mashaqadaas tiiraanyada badnayd waxa uu si gaar ah gudoomiyuhu uga dalbaday beesha lagu tuhunsan yahay inay falkan gaysteen sidii ay iskaashi buuxa ugala yeelan lahaayeen dawlada in gacanta lagu soo dhigo dhagar qabayaashaas.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah masaajiddada magaalada Borama ayaa khudbadii Jimcaha ee maanta lagaga hadlay dilka qofka muslimka ah iyo dhibta u leeyahay iyada oo culiimada masaajiddada qaarkood dadweynaha ugu baaqeen inay xukuumadda ka sugaan natiijada hawl-galkeeda isla markaana aanay tallaabo qaadin.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net