Culayska Uu Nolosha Bulshada Ku Hayo Sicir-bararka Shidaalka iyo Doodda Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (SLpost) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sicir-bararka dhinacyada Maceeshadda iyo shidaalka ah ee dalka ka jira.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Muuse Ibraahim Salaf oo shalay hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Sicir-bararka dalka ka jiraa uu yahay mid ka yimid dalka dibeddiisa isla-markaana salka ku haya xaaladda guud ee dalalka Caalamka.

“Sidaad ogtihiin, Sicir-bararku waa mid dibedda ka yimid, hadduu inagaga yimidna Dawladdu way qabatay tallaabooyinkii lagu joojin lahaa. Waxa ugu daran Quutal-daruuriga iyo shidaalka, labadana waxaad markhaati ka tihiin in Dawladdu hoos uga dhigtay Cashuurta, waxayna ka dhintay boqolkiiba toban,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Ganacsigu, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka xilligan ugu shidaal jaban Mandaqadda.

Wasiirku wuxuu sheegay in si Xukuumaddu ula dagaalanto Sicir-bararka shidaalka, ay qaadday Tallaabooyin ay ka mid yihiin inaan dalka la keenin shidaal tayadiisu ka badan tahay 500 PPM oo ah cabbirka lagu qiyaaso tayada shidaalka, sidoo kalena boqolkiiba 10 laga dhimay cashuurtii laga qaadi jiray.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga, ayaa ku soo beegmaya xilli qiimaha shidaalku uu aad sare uga kacay Somaliland, taasi oo keentay In gaadiidka Basaska ee Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay iskaga dhex gooshaa ay Qofka ku qaadaan 3000 kun Shilin, halkii ay hore ugu qaadi jireen 2,000 SL/Shilings, sidaa darteed waxa muuqata inaan tallaabooyinka Xukuumaddu qaadday aanay waxba ka tarin Xaaladda jirta.

Magaalooyinka Somaliland, ayaa 1-ka Litir ee Patrol-ka waxa lagu iibiyaa 11 kun shilin, halka litirka Naaftada ahina yahay 10 kun iyo 500 boqol shilin, halka laba bilood uu Halka Litir ahaa inta u dhaxaysa toddoba illaa Siddeed kun.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net