Cudurka Covid-19 oo tiradii ugu badnayd ku dilay Somaliland 2 bilood ee u dambeeyey

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa ka hadashay Heerka uu Xanuunka Covid-19 ka marayo dalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo Shalay kulan la qaatay Guddiga heer Qaranka ee ka hor-tagga Xanuunka Covid_19, ayaa ka War-bixiyey Xaaladda Xanuunka Covid-19, waxaanu sheegay in Xanuunku uu bishan April, 2021 uu Somaliland ku dilay Dad gaadhaya 95 Qof, kuwaasi oo ka mid ah 920 Qof oo uu isla bishan haleelay.

Wasiirku waxa uu sheegay bilihii ina dhaafay inuu kor u kac sameeyay xanuunka covid-19 tirada laga helay iyo Tirada dhimashaduba.

Wasiirku waxaa kale oo uu si gaar ah uu u dul istaagay bishan aynu ku jirno ee April Tirada laga baadhay, inta laga helay & inta u dhimatay xanuunka COVID-19.

Wasiir Cumar wuxuu sheegay in bishan Xanuunka laga baadhay 5,779 qof, lagana helay 920 qof, halka dhimashadu ahayd 95 qof.

Warkan oo lagu baahiyey bogga Wasaaradda Caafimaadka ee Facebook, ayaa intaa ku daray in bishii March ee sannadkan Dadka u dhintay Xanuunku ay ahayd 107.