Cudurka Covid-19 oo Si Xooggan ugu faafaya Ethiopia & Somalia iyo Tirada Kiisas Cusub oo la shaaciyey

Somaliland Map

 

Hargeysa (SLpost)- Cudurka Covid-19 ayaa xilligan xaalad aad u daran oo laga dayriyey ka maraya guud ahaan caalamka, kaddib markii caabuqa Coronavirus oo galaaftay nolosha malaayiin qof uu soo laba-kacleeyey labadii bilood ee u dambeeyey.

Waddamada Bariga Qaaradda Afrika, ayaa ka mid ah meelaha fiditaanka xannuunka Covid-19 ku badan yahay, sida ay muujinayaan warbixinihii u dambeeyey ee laga soo saaro xaaladda xannuunka.

Dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya oo deris ah Somaliland, ayaa laga soo weriyey kiisas cusub oo Covid-19 ah, iyadoo warbixino ay maanta soo saareen hay’adaha caafimaadka ee labada waddan ay tirada kiisaska cusub ee 24-kii saac ee u dambeeyey la helay ku sheegeen 914 qof oo xannuunku asiibay.    0

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Ethiopia ayaa warbixin ay soo saartay fiidnimadii xalay ku shaacisay 716 kiisas cusub oo Covid-19, taas oo tirada guud ee Dadka reer Ethiopia ee xannuunka laga helay ka dhigaysa 154,257 qof.

Waxa warbixintu intaas ku dartay in 24-kii saac ee u dambeeyey xannuunka u geeriyoodeen 12 qof halka 1,338 qof ka soo kabteen, waxaanay tirada guud ee dadka xannuunka u geeriyooday ka dhigaysa 2,305 halka 133,051 qof ka bogsadeen.

Ethiopia oo ah dalka labaad ee ugu shacbiyad badan qaaradda Afrika, ayaa ka mid ah waddamada qaaradda ee xannuunku sida xooggan u saameeyey, waxaana ka horeeya oo kaliya dalalka Koonfur Afrika, Marocco, Tunisia iyo Masar.  Dalka Ethiopia ayaa sidoo kale noqonaya dalka ugu badan tirada kiisaska Covid-19 marka loo eego dalalka kale ee Bariga Afrika.

Guud ahaan dalka Ethiopia, waxa xannuunka laga baadhay 2,102,317 qof oo 5,507 ka mid ah laga baadhay 24-kii saacadood ee u dammbeeyey, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka ee Ethiopia.

Dhinaca kale, wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa Arbaca maanta shaacisay 198 kiisas Covid-19, taas oo tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyey ka dhigay 6,444 qof oo xannuunka laga helay.

Waxa warbixinta wasaaradda lagu sheegay inay xannuunka u geeriyoodeen 7 qof labadii maalmood ee u dambeeyey, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigay 215. Sidoo kale, 3 qof ayaa la soo wariyey inay xannuunka ka soo kabteen, waxaanay tirada guud ee dadka cudurka ka bogsaday ka dhigaysaa 2,781 qof.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net