Croatia Oo Dalkeeda U Ogolaatay Inay Qaxoontigu U Maraan Waqooyiga Yurub

Zagreb (SLpost)- Dowladda Croatia ayaa sheegtay inay u ogolaan doonto qaxootiga inay ka gudbaan dhulkooda oo ay tagaan waqooyiga Yurub oo ah meesha ay rabaan inay tagaan.

Hungary ayaa hadda ka wada xidhay xuduuddeedii dadka sharci darada ku soo galaya, Croatia ayaa noqotay jid cusub iyadoo looga sii gudbaayo Slovania iyo Austria.

814356976ae2a6fa59eee0c0d1e0bd16_L

Ra’iisalwaasaaraha Zoran Milanovic, ayaa sheegay in darbi silig ah aanu ahayn xalka dhibaatooyinka qaxootiga, waddankiisana wuu caawin doonaa qaxootiga sii socda.

Dowladda ayaa sheegtay in dhowr boqol ay soo galeen waddanka hadda.

Qalalaasaha magangalyo doonka ayaa sii kordhayay muddooyinkii u dambeeyay, iyadoo Yurub ku hawlan tahay sidii ay u qaybsan lahayd qaxoontiga ee loo qaabili lahaa.