Congress-ka Maraykanka oo la hor geeyay Mooshin ku saabsan Aqoonsiga Somaliland

Washington (SLpost)- Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, ayaa la horgeeyey hindise-sharciyeed ku baaqay in dowladda Maraykanku si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Hindisahan oo ay soo gudbiyeen Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada ee Maraykanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magaaabo Scott Perry kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ugu baaqaya dowladda Maraykanka inay Aqoonsi-buuxda siiso Somaliland.

Sida aan ka soo xiganay mareegta Aqalka Congress-ka Maraykanka, Guddi hoosaadka dibadda ee aqalka Hoose ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa 18-kii bishan soo gudbiyey hindise-sharciyeedkan oo summaddiisu tahay H.R.7170, kaas oo la filayo in la hor geeyo kal-fadhiga Aqalka Congress-ka Maraykanka.

Congress-ka Maraykanka ayaa ka kooban Aqalka Sare ee Odayaasha (Senate) iyo Aqalka Hoose ee Wakiillada (Representatives), kalfadhi ay wada-jir u yeeshaan ku meel-mariya shuruucda dalkaas.

Tallaabadan, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo toddobaadkan ay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha (Senate) Maraykanku soo saareen sharci jidaynaya wada-shaqaynta iyo Iskaashi laba geesood ah oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.

Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa 17-kii bishan soo saaray Xeerkan oo ka hadlaya qaabka uu noqonayo Xidhiidh iskaashi oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka, waxaana la filayaa in xeerkan lagaga doodo kalfadhiga soo socda ee Congress-ka.

Xeerkan waxa diyaariyey isla markaana soo gudbiyey Xildhibaan Jim Risch oo ah Xubin sare oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha (Senate), Xildhibaan Chris Van Hollen iyo Xildhibaan Mike Round ay kala ah Guddoomiyaha iyo Xubin sare oo ka tirsan guddi-hoosaadka Siyaasadda Afrika iyo arrimaha Caafimaadka dunida.

Xeerka Iskaashiga Somaliland ayaa ku waajibinaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay Warbixin ka siiso Congress-ka Maraykanka sida uu noqonayo La-macaamilka Somaliland iyo sidii Daraasad looga samayn lahaa hirgelinta iskaashi dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.

Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka iyo Hindisaha Sharci ee Aqoonsiga Somaliland ayaa labaduba horyaallaan Congress-ka iyadoo la filayo in lagaga doodo fadhiga labada Aqal Baarlamaan ee Dalkaas oo haddii ay labadooduba ansixiyaan loo gudbinayo madaxweynaha Maraykanka oo qalinka ku duugi doona si ay labaduba u dhaqan-galaan.

Guulahan ay Somaliland ka gaadhay siyaasadda Arrimaha Dibadda, ayaa ku yimid safar shaqo oo Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku joogaan Magaalada Washingto DC, kuwaasi oo halkaa kula kulmay Guddiyada arrimaha dibedda ee Aqalka Senate-ka iyo Aqalka Wakiillada iyo sidoo kale Guddiga Amniga Qaranka Maraykanka.

Weftiga Somaliland oo weli ku sugan Magaalada Washington, ayaa sidoo kale la kulmay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net