Colaadi Calaf u daranaa!!

 

Asli hadda iyada ayay arrini dul taagantahay, si kasta oo a y ula fadhido, saaxibadaheed iyo barbaartii ay isla sheekaysanaayeen, haddana waxa ka go’an in ay Adan bad baadiso si aanay u arag wiilasha beeshooda ee haddaba qaar kamidi iyada la fadhiyaan.

Sidii sheekadu u socotay ee loo qoslaaay ayuunbay si kadis ah, dhalintii u soo jeedisay, waxa ay la wareegtay hoggaankii sheekada, hadalkii ayay qadatay waxayna tidhi

“Dhalinyahay i dhagaysta, bari baa wil iyo gabadhi haasaaween, kadibna waxay ku ballameen, in ay gu’ga is la tagaan oo gurigooda yagleelaan, iyada oo aan wali gu’gii curan ayaa sidii innaga iyo reer Galool dagaal ka dhex dhacay labadii beelood ee wiilka iyo gabadha.

Waa lakala hayaamay oo qoloba gees abay carartay sideenii oo kale. Markii roobkii guyaal da’ay ayaa wiilkii gabadhii soo raadiyay si uu ula tago, goor galaba ayay wiilkii iyo gabadhii is arkeen, kadibna waxa ay ku hesiiyeen in ay is raacaan caawa, sideenan oo kale ayaa roob u soo daatay markii ay ku tala galeen in ay baxaan, wiilkii ayaa buulkii gabadha soo is taagay iyada oo la joogta ilmaadeeradeed, bal maxaydun samayn lahaydeen, haddii taasoo kale idin qabsato, ama aad gabadhaa kula talin lahaydeen?”

Dhalin yaradii Asli la fadhiday ayaa mid waliba gees u qaaday oo uu si uga jawabay, mid yidhaa waan dili lahaa wiilkaas, mid tidhaa maba raaceen iyo mid tidhaa dee waan raaci lahaaba. Kolkii ay aragtay Asli in aanay fahmin ayay jawaabtay oo tidhi ” Anigu haddii aan ahaan lahaa, gabadhaas, waxa aan odhan lahaa wiilka aannu ballan sannahay, waar haddii ay gaajo ku hayso caanaha dhitada adhiga saaran labax oo dhan, haddii aad gabadh doon tahayna geedkii aynnu ku ballanay ayaan kuugu imane tag, haddii ay hadi ku haysana halkaad taagan tahay joog hallagu dilee.”

Dhammaan dhalinyaradu may fahmin sheekada duur xulka ah ee ay Asli waddo, waxa se fahmay Aadan, inta uu caanihii cabbay ayuu deg deg u tagay geedkii oo u ku sugay Asli, waxa uu la yaabay maskax furnaanteeda iyo sida ay sheekadan u keentay markaasuu aad u sii jeclaaday.

Markii ay dhalintii ka dareereen ayay Asli qunyar baxday tii oo aan laba ogaan, waxa ay u tagtay Aadan, mar Alla markii uu arkay ayuu farxad dhoolla caddeeyay oo uu qalbiga ka riyaaqay. Sidaa markay ula soo istaagtay ee la is bariidiyay ayaa dhabbaha cagta la saaray oo la is raacay iyaga oo isku faraxsan, sidaasaanay ku guulaysteen Adan iyo Asli oo gurigoodu ku dhismay.

Dhammaad

Nada Yuusuf Cumar

Qoys Kaab