CODSI IYO OGEYSIIS: Boobe Yuusuf Ducaal

Waxaanu si xishmad iyo xaq-dhowrba leh idiin ka codsanaynaa in aad noo soo dirtaan

  1. Magacyada maqaallada ama Maansooyinka aad Gaarriye ugu baroor-diiqdeen,
  2. Magacaaga, tilifoonkaaga iyo e-mailkaaga,

Haddii aad intaa noo soo dirtaan, waxaanu idiin soo sheegaynaa in aanu tixdiinna ama maqaalkiina hellay iyo in kale. Fadlan intiinna maanso ama maqaal soo dirtay ee aan soo raacin sawirradii iyo taariikh-nololeedkii noogu soo dhakhsada.

Buuguu wuxu diyaar u yahay in la daabaco. Aniga oo mas’uuliyadda ururinta iyo tifaf-tirka qaaday, mas’uul kama noqon doono in aan daabaco maanso jajaban oo aan xeerarka curinta waafaqsanay. Milgaha curinta suugaanta ka-sokow, Gaarriye ayaanay maamuuskiisa ahaynba.

Fadlan ha la soo dhakhsado. Marka ugu danbeysa waxaanu soo daabici doonnaa magacyada wax naga soo gaadheen.