Codadkii Laga dhiibtayb Doorashada Britain oo la tiriyey Xisbiga Conservative-ka Oo Hoggaaminaya

London, (SLpost)- Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron iyo xisbiga Conservative ayaa u muuqda inuu xilka sii haynayo, sida hordhaca natiijada doorashadii shalay dalkaas ka dhacday ay iftiiminayso.David Cameron

Sida ay wararku sheegayaan tirintii codadka ee xalay ayaa ahaa in xisbiga Labour-ku uu ka helay kuraasta baarlamaanka codad dhan 316, halka xisbiga Conservatives-ku uu helay kuraas dhan 325 oo noqonaysa inta badan codadka.

“Caawa (xalay) waxay u tahay xisbiga aad habeen awooddeed” ayuu yidhi ra’iisal wasaare David Camero.

Xisbiga ayaa looga baahan yahay 326 oo kuraasta baarlamaanka ah, si uu u gaadho majooritiga baarlamaanka, laakiin tirade hadda soo baxaysa ee ay xisbiyadu kala heleen ayaa ka hoosaysa inta la doonayo, iyadoo la filayo in natiijada dhabta ahna ay ku dhawaaqeen dhexdhexaadiyaasha doorashadu.

Somalilandpost.net