Ciyaaryahan Hore Uga Tirsanaa Xulka Turkiga Oo Lagu Eedeeyay Afgambigii Fashilmay

Hargeysa  (SL.Post) Halyeygii hore ee xulka qaranka Turkiga Hakan Sukur,  ayaa lagu soo eedeeyay inuu qayb ka ahaa afgambigii fashilmay ee bishii la soo dhaafay dalkaas ka dhacay.

 

 

 

Hakan Sukur oo hore uga soo ciyaaray Kooxaha Inter Milan iyo Blackburn Rovers ee dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa sannado ka hor siyaasada ku biiray.

 

 

Ciidamada Booliska dalka Turkiga ayaa baadigoobaya, iyadoo loo jaray ruqsada lagu soo xidhayo, waxaana socda baadhitaano lagu ogaanayo halka uu ku sugan yahay.

 

 

Hakan Sukur ayaa hore u ahaa Xildhibaan ka tirsan Xisbiga talada haya ee AK Party, balse waxa uu iska casilay sanadkii 2013.

 

 

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay inuu xubno ka yahay Urur Argagixiso, gaar ahaan Ururka Fethullah Gulen, isla markaana dhowr jeer oo hore dibada uga baxay dalka.

 

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Hakan Sukur ayaa xilli ahaa saaxibo aad isugu dhAw, waxaana marar badan uu safaro dibada ku wehliyay Erdogan.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa