Ciyaartii Feedhka Qarniga Oo Uu Ku Guulaystay Floyd Mayweather

Las Vegas, (SLpost)- Feedhyahanka reer Mareykan ee Floyd Mayweather ayaa ku guulaystay ciyaartii feedhka ee muddada la sugayay.Mayweather

Mayweather ayaa kaga guulaystay ninkii ay is-hayeen ee reer Flibiin ee lagu magacaabo Manny pacquiao go’aan loo dhamaa oo ay garsooreyaashu gaadheen.

Ku dhawaad 17,000 oo qof ayaa feedhkaas ku daawanayay MGM Grand Garden oo ahayd goobta uu feedhku ka dhacayay ee magaalada Las Vegas.

Sidoo kale, ilaa saddex milyan oo qof oo dunida kala jooga ayaa feedhkaas kala socday telefishanada lacagta lagu daawado.

Tikidho badan oo lagu galayay ciyaartaas ayaa lagu sii iibiyay tobanaan kun oo doolar.

Ciyaartan feedhka ah ee dhexmaraysay labada feedhyaahan ee  Floyd mayweather iyo Manny pacquiao oo loogu magac daray feedhkii qarniga ayaa waxa dhextaalay lacag dhan $ 300, 000000, (saddex boqol oo milyan oo doolar), taasoo uu Floyd Mayweather helayo 180,000000, halka uu Manny pacquiao helayo 120,000000.

Somalilandpost.net