Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo Si Rasmi ah Loo Shaaciyey Wakhtiga ay Billaabmi Doonaan

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin oo shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa sheegay in ciyaaraha goboladu si rasmi ah uga bilaabmayaan magaalooyinka Burco iyo Boorama shanta(5) bishan aynnu ku jirno ee sideedaad, waxana uu wasiirku ku booriyay oo ku adkeeyay dhammaan xulalku in ay diyaar ku ahaadaan gobolada loo qoondeeyay qaybta hore ee isreebreebka inta ka horaysa wakhtigaas uu sheegay.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaya waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Ciyaaruhu bishan shanteeda way ka bilaabmayaan Burco iyo Boorame, waxa aannu faraynaa ciyaartoyga gobolada in ay bisha afarteeda ku soo dhammaadaan magaalooyinka Burco iyo Boorame”

Dhanka kale wasiirku waxa uu saxaafadda dalku ugu baaqay in ay ka qaybqaataan baahinta tooska ah ee ciyaaraha si ay bulshadu ugala socdaan ciyaaraha dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Gobolada galbeedka oo uu weheliyo gobolka bariga ee Cayn ayaa waxa ay ku ciyaari doonaan magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, halka dhammaan inta kale ee goboladu bariguna ku kulmi doonaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanna la rajaynayaa in si toos ah looga daawan doonno ciyaaraha telefishanada maxaliga ah qaarkood.