Cirro Waddani Hortii Ma Ucid Buu Ahaa Mise Kulmiye?

Waxaynu ognahay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu yahay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani, kaas oo sida aynu taariikhda ku hayno ka mid ahaa xisbiga mucaaridka ee Ucid. Isaga oo ka soo goostay ka dib markii ay is qabteen gudoomiyaha xisbiga ucid. taas oo la isku qabtay masiirka xisbiga oo uu doonayay inuu musharax madaxwayne ka noqdo laakiin Faysal Cali Waraabe u cuntami wayday in uu Cirro xilkaa ka soo bixi karo. Taas aakhirkii sababtay in arrintoodu cirka isku shareerto oo ay gaadho heer ay isla gaadheen in cirro iyo koox uu hogaaminayay ay faysal ka xayuubiyaan xilkii gudoomiye nimo, arrintaas oo keentay in maxkamad la isla galo.

Iyadoo gunaanadkii maxkamaduna uu noqday in cirro iyo kooxdiisii laga xukumay kiiskii ay darafka ka ahayeen, taas oo ay maxkamadu u cuskatay xeerka xisbiga, isla markaana uu arrinkii noqday in Faysal u hadho xisbigii Ucid. Jeerkaas oo arrinkaasi iyo xukunkaasiba u cuntami waayay Cirro iyo kooxdiisii iyagoo markaas ka huleelay xisbigii dhammaantood. Muddo kooban ka dib cirro waxa uu soo asaasay ururkan u soo gudbay xisbinimada ee haddeer la yidhaahdo waddani. Inta badan tan iyo yagleelkii ururkan ilaa soo gudubkiisii xisbinimo dadka siyaasada lafa gura iyo bulshaduba waxay ku tilmaamaan in xukuumadu gacan ku lahayd soo bixitaankiisa, iyadoo ujeedada laga lahaana ahayd in meesha lagaga saaro ururkiiUmmaddaee uu asaasay Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose) kaas oo ay xukuumaddu garwaaqsanayd in haddii uu ku soo baxo uu noqon doono mucaarid adag oo nasasho u diidi doono xukuumadda, taas badalkeedana ay cirro kala kulmayaan mucaaridad dabacsan iyo u fududaynta wixii dantooda ah, iyada oo markii dambe bulshada u muuqatayba in Waddani iska yahay magac u yaal xukuumadda la ood wadaag ah. Akhriste inaga oo aan taariikh tagtay milicsan maskaxdana aynaan fogayn bal aynu eegno hadalka uu cirro u jeediyay jaaliyada soomaalilaan ee ku dhaqan cariga ingiriiska caasimadiisa bariga landhan (East London) oo jaaliyada ku dhaqani u badan tahay haybta madaxweyne Siilaanyo, waxaana hadalka cirro ka mid ahaa

Malaa aniga iyo bariga landhan (East London) ba qoladii Siilaanyo kurisiga saartay baanu ka mid ahayn, odayga si wanaagsan baanu u soo wada shaqaynay haddana si wanaagsan baan u isii wadacayaa haduu allah yidhaa

Intaas markaad dhuuxdo waa hadal nuxurkiisu balaadhan yahay, su’aallo badani ay ka imanayaan. Si kasta oo ay tahay arrintani miyaanay cadayn u ahayn tuhunkii sheegayay in ururkii waddani uu yahay xisbi xukuumaddu samaysaytay maadaama uu gudoomiye cirro qiranayo inuu madaxwaynaha meesha saaray si wanaagsan ula soo shaqeeyay?

Su’aalaha markaba maskaxda ku soo dagdagayaa ee aan jawaab u waayay, idinkuna laga yaabaa inaad u waydaan amaba aad u heshaan ayaa ah.

Maxay tahay wada shaqaynta cirro uu qiranayo ee Siilaanyo ka dhaxaysay?

Miyaanu cirro ahayn nin khiyaameeyay xisbigiisii hore ee ucid?

Haddii ba uu cirro ku faanayo inuu khiyaamo xisbi galay iyadoo ay dhawaan uu ahayd markii lagu eedeeyay inuu xeerkii diwaangalintana is daba marin ku sameeyay ma yahay nin qaranka lagu aamini karo?

Isku soo wada xooriyoo cirro Waddani hortiima Ucid buu ahaa mise Kulmiye?

akhirtse su’aalahan iyo kuwa ka sii badan ba oo maskaxdayda ka guuxaya hase ahaatee aan jawaab u waayay ba idinka ayaan idiin dhaafayaa inaad u doontaan.

Qalinkii:-Axmed Baashe Aadan

Email:- axmedbashe14@gmail.com