CIRRO vs SIILAANYO: Danaha Siyaasiga iyo Shuruucda dalka waa iyama? Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiillada oo Midiba gaarkiisa u fasirtay Qodob Xeerarka dalka ka tirsan

“Somaliland meel adag oo Xaasaasi ah bay maraysaa ,badbaadadeeduna waxa weeye in Doorasho xor ah oo Xalaal ahi ka dhacdo,haddii ay ka dhici waydo waxaa laga yaabaa inay dhibaatooyin la soo darsaan” – Guddoomiye Cirro

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa siyaabo kala duwan u fasiray sharcinimada xubin xisbiga Waddani u magacaabay Guddiga doorashooyinka Qaranka.

siilaanyo VS cirroMadaxweynaha Somaliland ayaa tiraba laba jeer dib ugu celiyey xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal oo xisbiga waddani u xushay inuu u metelo xubinta ay sharci ahaan u leeyihiin inay u magacaabaan guddiga doorashooyinka Qaranka. Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa bil ka hor iska casilay xubinimada iyo xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga waddani oo uu hayey, ka hor intii aanu xisbigu u magacaabin xubintooda Guddiga doorashooyinka. Waxaanu madaxweynuhu ku sababeeyey magacaabista xubintan inaanu waafaqsanayn nidaamka xulista xubnaha guddiga iyo xeerka Doorashooyinka, sida uu ku sheegay digreeto madaxweynuhu todobaadkan ku shaaciyey markii labaad ee uu xisbiga dib ugu celiyey xubintan.

Go’aankaas madaxweynaha waxa jawaab ka bixiyey isla markaana sifo sharciga baalmarsan qaabka dib loogu soo celiyey xubinta ku tilmaamay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa. Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inaanu xisbigiisu ku qanacsanayn hannaanka uu madaxweyne Siilaanyo ula dhaqmay Xubinta uu dhawaan u magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa uu sidoo kale Bannaanka keenay Ceebo hoose oo ku duugnaa Waraaqo Madaxtooyadu dhinacyada ku shaqada leh Soo Magacaabista Xubnaha Komishanka Doorashooyinka kaga dalbatay inay Xubnahooda soo gudbiyaan, kuwaas oo sida uu sheegay qoraalada ku dheehnaa Baalmarsanaayeen xeerarka loo maro.

“28-kii bishii August, waxaa Xisbiga Waddani Soo gaadhay Warqad Madaxweynuhu kaga dalbanayo inuu Xisbigu 7 cisho gudahood soo magacaabo laba Xubnood oo Madaxtooyadu kala doorato, iyadoo Xeerka si cad ay ugu qeexan tahay in Xisbigu hal Xubin soo magacaabayo,isla warqadaas waxa uu Xisbiga UCID kaga dalbaday laba xubnood, guurtidana 4 Xubnood laakiin, xeerku wuxuu qorayaa Ucid hal xubin Guurtidana 2 Xubnood. Anagoo ka jawaabayna Warqadaas waxaanu soo magacawnay 30-kii August, xubintii Xisbigu xaqa ugu lahaa Guddida doorashooyinka qaranka,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Ciiro

Waxa uu Guddoomiye Cirro Si cad u sheegay in Xubinta ay Xisbigoodu u garteen Kamid Noqoshada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo ah Maxamed Cismaan Fadal uu Buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa xubinta ka mid Noqonaysa Guddiga Doorashooyinka, waxaanu yidhi, “Asbaabta uu Madaxweynuhu u cuskaday soo celinta Dr Maxamed Cismaan Fadal,waxay Xisbiga Waddani u ahayd mid aan sax ahayn, dabadeedna mar kale ayaanu ku celinay anagoo sharaxnay sababta aanu ugu celinay.

Xubintani waxay buuxisay dhamaan Shuruudihii Sharciga iyo xeerku tilmaamay, sababta loo Cuskadayna maaha mid xeerka waafaqsan. Waxaa laga filayaa Madaxtooyada Somaliland inay dadka Caddaalad kuwada dhaqdo,waxaa laga filayaa Qodobka ay xubin u adeegsato inay xubnaha oo dhan u adeegsato oo aanay mid qudha oo dan laga leeyahay ama si gaara loo takoorayo u adeegsan.

Waxa loo baahan yahay in Xubinta la diidayo sifo sharciga waafaqsan lagu diido. Waxaynu ka warqabnaa in Xubnihii Guurtidu u gudbisay laftooda sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu celiyay,” ayuu yidhi Md Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in xisbigiisu kalsooni u hayo xubnaha madaxweynuhu soo magacaabay, “Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhawaynayaa dhamaan xubnaha loo doortay Komishanka doorashooyinka Qaranka,anagoo Kalsooni siinayna waxaa laga filayaa dhamaantood inay Xisbiyada qaranka ugu xaqsooraan Caddaalad,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, isaga oo intaas ku daray in aanay xisbi ahaan ku qanacsanayn dib u soo celinta xubinta, “Xisbiga Waddani Kuma qanacsana sababta Madaxweynuhu cuskaday ee uu ku soo celiyay Dr Maxamed Cismaan Fadal, haseyeeshee Xisbigu wuxuu u hogaansan yahay Dastuurka iyo Shuruucda Dalka, waxaanu qaadi doonaa talaabo waafaqsan Sharciga iyo Dastuurka dalka. Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa, Somaliland meel adag oo Xaasaasi ah bay maraysaa ,badbaadadeeduna waxa weeye in Doorasho xor ah oo Xalaal ahi ka dhacdo,haddii ay ka dhici waydo waxaa laga yaabaa inay dhibaatooyin la soo darsaan.”

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in xubintooda ay dhawaan soo magacaabi doonaan, balse ma uu kala caddayn in isla xubintii madaxweynuhu diiday dib u soo celin doonaan iyo inay Xubin cusub u soo magacaabi doonaan oo uga mid noqota guddiga doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa digreeto uu todobaadkan soo saaray waxa uu ku dooday inaanu guddoomiye Cirro sifo sharci ah u marin isla markaana uu baalmaray hannaanka qeexaya xulista xubnaha guddiga doorashooyinka. “Waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI,” Sidaas waxa uu madaxweynuhu ku yidhi digreeto uu ka soo saaray go’aan uu dib ugu celiyey xubinta xisbiga waddani u xushay inay uga mid noqdaan guddiga doorashooyinka.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo tiradoodu tahay Todoba, laba xubnood waxa magacaaba oo sharcigu u jideeyey labada xisbiga Mucaarad, laba xubnood waxa soo magacaaba Golaha Guurtida, halka saddexda Xubnood ee kale uu madaxweynuhu ka soo dhex-xulo ururrada bulshada rayidka ah.