Ciraaq oo sheegtay inDawladda ha Qadar & Sucuudiga duulaan ku hayaan!

Bagdad(SLPOST)Raysalwasaaraha Ciraaq Nuuri Al Maliki ayaa ku eedeeyey Boqortooyada Sucuudiga iyo Qadar inay duulaan joogto ah ku hayaan wadanka Ciraaq.

fr24-exclu-maliki-new

Al Maliki oo shalay (sabti) wareysi siiyey telefishinka France 24 ayaa sheegay in labadan dal ay taageero toos ah siiyaan kooxaha uu ku tilmaamay “argagaxisada” ee ka dagaalamaya gudaha wadanka Ciraaq. Raysalwasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in labadan dal ay khal khal ku hayaan gobalka Khaliijka oo dhan isla markaana ay ka danbeeyaan dagaalada xiligan ka socda wadanka Siiriya.

 

Hadalka hogaamiyaha xukuumada Ciraaq ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii dalalka Khaliijka gaar ahaan Sucuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay ku dhawaaqeen inay safiiradooda kala baxayaan magaalada Doxa ee Qadar, iyagoo ku eedeyey Qadar inay taageerto dhaq dhaqaaqa Ikhwaan muslimiinka.

Somalilandpost.Net

Hargysa/office/Somaliland