Cilmi-baadhis Sheegtay in Ragga Quruxda Badan Aanay Helin Shaqaday Jecel Yihiin

Cilmi-baadhis ay sameeyeen Jaamacadaha Jaamacaddo dalka Maraykanka iyo Ingiriiska ku kala yaala, ayaa lagu sheegay in ragga muqaal ahaan soo jiidashada leh amma quruxda badan ay caqabad ka soo wajahdo helida shaqada ay jecel yihiin in ay ka shaqeeyaan.

Khubarada daraasada samaysay waxa ay sheegeen in ragga qurxoon loo arko in ay khatar ku yihiin madaxdooda, isla markaana waxa loo diida in ay soo baxaan oo khudbad ganacsiyeedyada amma hawlaha sharaxaada looga baahan yahay qabtaan.

Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen Jaamacadaha University College London ee dalka Ingiriiska iyo University of Maryland oo dalka Maraykanka ah, ayaa lagu xusay in ragga qurxoon loo dhiibo jagooyin aad u hooseeya oo aanay mahadin.

Cilmi-badhayaasha oo afar tijaabo ka sameeyey xafiisyo shaqo, waxa ay ogaadeen marka raggu shaqaalaysiinayaan rag kale si ay ula shaqeeyaan in aanay jeclayn ragga soo jiidashada leh oo ay u arkaan in ay khatar ku yihiin jagooyinkooda.

Geesta kale, waxa daraasadan tilmaantay in haweenka quruxda badan aanay dhibaatadan soo darsi, isla markaana ay shaqada deg deg u helaan marka loo eego haweenka aan soo jiidashada lahayn.

“Masuuliyiintu marka ay shaqaalaha qadanayaan ma jecla ragga soo jiidashada leh ee ay ka baqayaan in ay la tartami karaan qurux iyo soo jiidashaba. Shirkado badan baana arrintan aad ugu dhaqmma,” ayuu yidhiProf. Sun Young Lee oo Jaamacada Maryland ka mid ah.

 

Somalilandpost

Hargeysa Office