Cillad la soo deristay Degellada Facebook, Instagram iyo WhatsApp oo dunida saamaysay

Hargeysa (SLpost)- Baraha bulshadu ku xidhiidhe ee Facebook, Instagram iyo WhatsApp ayaa gebi ahaan shaqada joojiyey qaybo badan oo ka mid ah adduunka Isniinta maanta.

Shirkaddu waxa ay sheegtay inay ka warqabto in dadka qaar ay dhibaato ka haysato gelitaanka bartooda Facebook, isla markaana ay gacanta ku hayaan sidii ay xal deg-deg ah u gaadhi lahaayeen.

Shirkaddu may sheegin waxa sababay cilladda oo bilaabatay qiyaastii 6:30PM Saacadda Afrikada Bari.

Cilladaha noocan oo kale ah ayaa mararka qaar soo waajaha degellada internetka, in kasta oo ay dhiftahay in la arko cillad saamayn ku yeelata guud ahaan adduunka.

Waxa jiritaanka cilladan xaqiijiyey Dadka isticmaalaha adeegga Facebook ee ku nool California, New York, Afrika iyo Yurub, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Shirkadda Facebook ayaa iska leh degellada Instagram iyo Whatsapp oo lagu tilmaamo kuwa ugu caansan baraha Bulshadu ku xidhiidho.