Cilad Ku Timi Qaybtii FM-ta Ee Idaacada Radio Hargeysa

Hargeysa (SL.Post) Idaacadii Radio Hargeysa ee qaranka Somaliland lahaa gaar ahaan qeybta FM-ta ayaa gabi ahaanba dansan  ilaa saaka iyo  maanta duhurkii  gabi ahaanba Hawda ka Maqan .

Lama garan  karo sababta ay idaacadu  u Hawda uga maqan tahay  mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen masuulyiinta wasaaradaasi .

Arrintani ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli uu xil ka qaadis Wasiir Cadaani ku sameeyey Agaasime waaxeedyadii  ay wasaaradaasi lahayd oo ay ka mid tahay waaxdii  farsamada  oo iyada qayb ka mid laga hoos saaray isla markaana  arintani shaqadeeda aheyd .

Masuuliyiinta Wasaarada warfaafinta ayaan ilaa hadda ka hadlin ciladan ku timi qaybta FM-ta ee Idaacadda Radio Hargeysa.

Somalilandpost.net