Ciil Hooyo

Diifta, daranyada, daalka iyo dibindaabyada ka muuqata wajigeeda ayey indhaheygu qabteen, dhabanadeeda waxa ku dhigey coodhcoodh iyo gabaw, haddana da,i ma hayn oo wali waa dhalinyar, wajigeeda waxa dusha ka saarnaa qolof madaw oo aad garaneyso iney tahey milic daashatey iyo dabeyl ay la daris noqotey, argagax iyo anfariir dartii baan u dhawaadey si aan u hubiyo waxa ay indhaheygu ii sheegayaan inuu dhab yahey, waliba waan usii dhawaadey oo wajiga wajiga u saarey, wey yaaban tahey, dhinac kale cay iyo hiif bay hoostaa ka wadaa, malaheyga mid gaadhi watey oo iyada iyo xamaanteedaba cagta marin gaadhey bay wali usii gunuunuceysaa.

Anoo ku dheygagsan baan kusoo hambararey sida aan wanaagsaneyn een ugu qalaley eegmadeeda, deg deg intaan usoo boodey baan ku idhi “walaal muus baan doonayee shanta xabo waa imisa

Muus uma dan laheyn oo Alle waa I arkayaa, lakiin waxaan doonayey inaan ogaado xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahey. Markiiba intey muuskii I soo wadey waxan bilaabey inaan sheeko u furfuro, ugu danbeyna waxan ku guuleystay inaan helo xogtaan rabey.

Hadalkeedii wuxu socdaba wuxu soo gaadhey “aniga oo yar baa Aabahey nin reerkayaga ah oonu qaraabo nahey isiiyey, wax alla waxaan ka garanayey nolol aduun may jirin, sidaanu iskaga wanaagsaneyn ee aanu nabad iyo nimco ugu naalooneynay, caruur laba ahna aan haysto ayuu ninkii noqdey mid aan gurigiisa iman waagu markuu soo bidhaamayo mooyaane, xiliguu doonaba ha yimaadee waxa dhibaato badan igu haysay, caruurta aan dabka loo shideynin, markuu ka goostey intii yareyd ee uu u keenayey, kor iyo hoosba ula Hadley, wax rajo ah se ka waayey ugu danbeyn waxaan go,aan ku gaadhey inaan anigu suuqa u baxo, markey ubadkii ku sigteen iney gaajo iyo macaluul u dhiman gaadhaan, ileen lacagtaa tol ahe dadkii xigtada ahaana gacan waan ka waayey, waxan ka bilaabey inaan suuqa ku iibiyo baco oon bariiska yar maalina ka karsano maalina ka qadno, waxaan sidii iskaga jiroba ileen candhaba waa xubine oo aan Alle mahadii ku suganahey, ayuu Illahey (SWT) I barakeeyay intaydii yareyd oo aan faro qabsi yar ka sameystay dabadeedna kaaryoonahan Muuska ayaan ku badeshay, intii in ka wanaagsana waan ka helaa balse nimco waliba nusqaanteed lehe, odeygii waxa uu in mudo ahba bilaabey inuu maalin oo dhan guriga hurdo oo bariiska yar ee aan naftaydii u baabiiyey uu caruurta la qaad qaato, waxbaba umaan arkeyn intaase, imika waxa ii dheer inuu I weydiiyo lacag uu jaad iyo sigaar siisto, haddii aan idhaa halkeen ka keenaana cay, hadadaad iyo gacanta ka hadel markii uu ila soo gaadho buu iigu darey.

Haba wareysan laheydaa, oohin baaba bilaabantey anigii baa jidhidhicoodey waan la ooyi gaadhey, koleyba niyada waan ka ooyayee , waxan bilaabey inaan aamusiiyo anoo sidii u dulfadhiya, waxa nasoo dul istaagey nin bakoorad laalaadsanaya, jaleecadaan eegayba intuu bakooradii dhabarka kaga mudey, buu si aan is dhibeyn, qofka meesha duuduubana dan kalaheyn u yidhi: “hodhodho naa maxaad isla duuduubeysa sidii qof bastii ah, noo dhiib intii yareyd” intuu hadelka wado wuxuu gacanta la gaadhey laba xabo oo muuskii miiska saarna ah, judhiiba daankuu ku hubsadey, waan yaabaney haddana waxan isleeyahay malaa waa kay sheegaysay, markey u juuqi wayday ileen ciil iyo caloolyow bay la duuduubneyde ayuu intuu xanaaqey bakooradii dhabarka ka huwiyey, way iyo way, ninku miyaanu isla yaabeyn, muslinkii meesha joogey soo gurmade wataa ninkii lanaga qabtey, acuudu bilaah. dabadeedna dee mooyi wax xaal ku danbeyn! Ileen markii baa iigu danbeysee.

 Waa xaalka dhabta ah iyo xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee ay ku sugan yihiin Hooyooyin badan, ubad badanina u mustaqbal waayayaan.

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)