“Ciidanka Qaranku Dalkoodii ayay joogaan, kana bixi maayaan” – Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani

TALIYAHA CIIDANKA QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND NUUX ISMAACIIL TAANI

Laascaanood (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka eek u sugan gobolka Sool ay joogaan dalkooda isla markaana aanay ka bixi doonin.

Taliye nuux oo maanta khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysay ka jeediyey munaasibadda xuska 29aad ee aasaaska ciidanka qaranka oo markii koowaad lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in magaalada Boorama 1993-gii lagu qabtay shirweyne Qaran oo lagu soo dhisayey dawladii labaad ee Somaliland oo madaxweyne ka noqday AHN Maxamed X Ibraahim Cigaal, halka Madaxweyne-xigeen u noqday Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, halka Wasiirka Daakhiliga uu noqday Madaxweynaha wakhtigan Md Muuse Biixi Cabdi.

“1994 waxa la dhisay ciidan shan boqol ah, oo ka koobna dhamaan beelaha Somaliland, laguna salleeyey saamigii beelaha ee golaha Guurtida.

Waxa la dhisay guutadii koowaad, guutadii labaad ilaa la soo gaadho halka aynu maanta joogno, ka dib waxa lagu dedaalay in ciidankii tayadooda sarre loo qaado, oo tababar la geliyo,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Nuux Taani, isagoo intaas ku daray in himiladii labaad ee xukuumadii wakhtigaasi ahayd fidinta maamulka dawliga ah, iyo in nabadgelyada la gaadhsiiyo dhamaan gobolada dalka.

Mar uu ka hadlayey tababarrada kala duwan ee Ciidanka Qaranku helay shanti sannadood ee u dambeeyey, waxa uu sheegay in todoba kun oo askari dugsiyada kala duwan uga soo baxeen, kuna biireen ciidanka Qaranka.

“Dugsiga Saraakiil-xigeenka Mujaahid Harag-waafi waxa tababar ku qaatay todoba boqol oo saraakiil-xigeen ah, sidoo kale kuliyada saraakiisha Cabdilahi Askar wax tababar saraakiil ku qaatay shan boqol oo sarkaal,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Dhinaca tababarada dibedda ayuu sheegay in soddon sarkaal ku maqan yihiin waxbarasho dibadeed, kuwaas oo isugu jira Injineero iyo farsamo-yaqaano sannadka dambe soo dhamaysan doona.

Dhinaca imkaaniyaadka Ciidanka Qaranka wuxuu sheegay in heleen Laba boqol iyo konton gaadiid cusub oo kala duwan.

Taliye Nuux ayaa sheegay iyagoo isku tashanaya ay dib u habayn ku sameeyeen shan urur oo madaafiicda goobta ah oo shaqeynaya, sidoo kalena dayac-tir lagu sameeyey laba urur oo Tawaangida ah.

Dhinaca dhismaha ayuu sheegay Taliye Nuux in la soo kordhiyey laba iyo lixdan dhisme cusub kala duwan oo isugu jira hangaro, xafiisyo, guryo la seexdo iyo kuwo kale.

Taliye Nuux wuxuu xusay in horumarka Ciidanka Qaranku gaadhay mudooyinkii u dambeeyey aad u badan yihiin, waajibaadkooduna aanu ku ekeyn difaaca xuduudaha dalka, balse ay ka qeybqaataan arrimaha bulshada marka loo baahdo.

Dhinaca Ciyaaraha, waxa uu taliyuhu xusay in dhammaan koobabkii oroddada ay ciyaaryahannada ciidanka Qaranku ku guulaysteen, halka tartanka horyaalada kubadda Cagta oo dhawaan la soo gebo-gabeeyey ay kaalinta 1aad iyo 2aad ku guulaysteen Kooxda Gaashaan ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net