Ciidanka Booliska Somaliland oo Qabtay Lacag Sharci-darro ah oo Qaddarkeedu yahay Hal Milyan Dollar

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Lacagta Madow ee Dollarka oo qaddarkeedu dhan yahay Hal milyan oo Dollar, taas oo la doonayey in khalkhal lagu geliyo nidaamka dhaqaale ee dalka.

Taliska Ciidanka Booliska oo lacagtan soo bandhigay, waxa ay sheegeen in fal-dambiyeedka lagu helayo laba eedaysane oo u dhashay maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay, ayaa yidhi, “Ciidamada boolisku iyaga oo gudanayaa xilka iyo waajibkaadka ay Qaranka u hayaan waxaa ay gacanta ku soo dhigeen laba eedeysane, una dhashay maamulka Puntland, kuwaasi oo gacantooda lagu soo qabtay hal milyan oo dollar iyo sodon kun iyo shan boqol ($1,030,500) oo lacagta dollarka madaw ah”.

Warkan oo faahaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net