Ciidanka Booliska Oo La Wareegay Xarunta Baarlamaanka Inta Badan Warbaahinta Dalkana Ka Hor Istaagay Galitaanka Golaha

 

Hargeysa(Slpost)-Ciidamda booliska ayaa isku gadaamay xarunta baarlamaanka Somaliland, waxaana halkaas ka horjoogsadeen intaa badan warbaahinta, waxaana la arkayay iyaga oo baadhaya qaar ka mid ah xildhibaanadu marka ay galayaan gudaha xarunta.

12007162_904552429592454_1080454214_n 12023184_904553736258990_249505177_n 12007092_904552492925781_1752331704_n

Inkasta oo khilaafkii golaha wakiiladu saaka u eekee mid damay isla maraasna ay soo xaadireen golaha wakiilada gudoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa Baashe oo shalay golaha ku dhax dagaalmay iyo inta badan xildhibaabadu hadana waxa guud ahaanba golaha hadheeyay sansaan colaadeed iyo ciidamo.

Ciidanka booliska oo ay hogaaminayaan taliyaha,kuxigeenkiisa iyo waliba abaanduulaha ayaa goobta ka soo xaadiray waxaana la arkaayay isusocodka wadada golaha hor marta oo marna gaadiidka laga joojinayo marna loo oglaanayo inay socdaan.

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost