Ciidamo Boolis ah oo la wareegay gebi-gahaanba Xaruntii Guud ee Xawaaladda JUBBA EXPRESS ee Hargeysa

juba-expressHargeysa (SLpost)- Ciidamada sida gaarka ah ugu tabobaran hawl-gallada Gaarka ah ee RRU-da, ayaa maanta la wareegay guud ahaanba xaruntii Xawaalada lacagta ee Jubba Express ee badhtamaha Faras-magaalaha Caasimadda Hargeysa.

Sida ay noo sheegeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugan agagaarka xarunta, Ciidamo boolis ah oo ku gaashaaman gaadiidka ciidamada, ayaa la wareegay gacan ku haynta xarunta xawaaladda, kuwaas oo lagu daadiyey waddooyinka dhinacyada ka mara xarunta, kuwaas oo qaarkood gudaha u galeen xawaalada.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in dhamaanba waddooyinka soo gala xawaalada ay xidheen, ilaa hada lama garanaayo ujeeddada rasmiga ah ee ay ciidamada RRU-du ula wareegeen gacan ku haynta xawaaladaasi.

Xarunta Xawaaladda Jubba Express ayaa ku taala Agagaarka Xarunta Suuq-geynta ee TELESOM, gaar ahaan dhismaha Jirde Aw-Xuseen oo ka soo horjeeda Mac-macaanlaha Caanka ah ee CADDAANI CAFERTERIA, badhtamaha suuqa Caasimadda Hargeysa.

Xukuumadda iyo Ciidamada Ammaanka wali kama hadal ujeeddada hawl-galkan ka dambeysay. Sidoo kale, Masuuliyiinta Shirkadda JUBBA EXPRESS qaarkood oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu dhacdadan wax uga weydiinno, ayaan oo suurto-galin inaanu khadka telefonka ku helno.

Xawaalada Jubba oo immika shaqaynaysay muddo ku siman saddex sanno ah, kadib markii ay hawada ka baxday xawaaladii lacagta ee Qaran Express oo markii dambe dadwayne badani sheegeen inay lacag faro badan kala kacday, waxaana la sheegaa in dad badan oo Saamiyo ku lahaa xawaaladdaasi ay horseed ka ahaayeen in xawaaladda Jubba Express xafiisyo ku yeelato Somaliland, isla markaana ballaadhiyo hawlaha xawilaadda Lacagta oo muddooyinkii kaalmaha hore kaga jirtay Adeegga Xawilaadaha lacagta ee gudaha Somaliland.

 

SOMALILANDPOST.NET