Ciidamada Ruushka oo hareereeyey xarumaha Militariga Ukraine

Ukraine (SLPOST) Ciidamada Ruushka ayaa gebi ahaan hareereeyey saldhiyada Militariga Ukraine ee ku yaal gobalka Crimea ee koonfurta wadankaasi Ukraine. Ciidamadan ayaa horey ulla wareegay xarumaha dowlada sida Baarlamaanka iyo Airporada ku yaal gobalkaasi.

crimea_saldhigyo-7

Ciidamada Ukraine ee ku sugan saldhigyada la hareereeyey ayaa sheegay inaysan isu dhiibi doonin ciidamada Ruushka arrintan oo sare usii qaaday xiisadii ka dhex taagneyd Ukraine iyo Ruushka.

 

Dowlada Ukraine ee fadhigeedu yahay Kiev ayaa ku tilmaamtay tilaabadan ugu danbeysay oo ay ciidamada Ruushka qaadeen duulaan dhameystiran oo uu Ruushka kusoo qaaday Qaranka Ukraine.

 

Dhaq dhaqaaqa cusub ee Ciidamada Ruushka doonayaan inay kula wareegaan saldhiyada militariga Ukraine ayaa imaanaya kadib markii Baarlamaanka Ruushka uu awood dheeraad ah u siiyey dowlada Ruushka inay cudud militari u adeegsan karto dalkaasi Ukraine.

 

Dhinaca kale dowlada Ukraine ayaa dib u furtay xarumaha lagu diiwaangeliyo ciidamada kaydka iyo waliba askar cusub oo ay dowlada Ukraine qoreyso.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland