Ciidamada Qaranka oo dhaq-dhaqaaqyo Dhoola-tus ah ka sameeyey Koonfur Gobolka Sool

Laascaanood (SLpost)- Ciidanka Qaranka eek u sugan jiidda hore ee gobolka Sool, ayaa maanta sameeyay hawl gal ay ku sugayaan xuduudka dhanka Koonfur kaga beegan gobolka Sool la wadaago gobolka Buuhoodle.

Hawl galka Ciidanka Qaranku maanta sameeyeen ayay ku gaadheen deegaan aad u laka fog oo ugu yaraan u jira 90 KM, iyada oo ujeeddadooda dhoolatuskoodu la xidhiidho inay muujiyaan sida ay heeganka ugu yihiin difaacista dalkooda.

CIIDANKA QARANKAWararka aanu ka helnay jiidda hore ee ciidanka ee gobolka Sool waxay hawl galka ay sameeyeen ku tageen deegaannada Kalabaydh, Saaxdheer,Daba-tag, iyo jiido kale oo koonfurta Laascaanood ah halkaas oo ay hore ugu sugnaayeen malleeshiyo beeleedyo ka tirsan kooxda Khaatumo kuwaasoo markii  dambe u firxaday magaalada Taleex ee isla gobolka Sool.

Ciidanka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay isla makaana fadhiisimo ka samaystay deegaanka loo yaqaanno Kala-baydh halkaas oo aan ugu jirin deegaannada ay ciidanka Qaranku gacanta ku hayaan.

Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa maalmihii u dambeeyay ku hawlannaa sidii ay u hantiyi lahaayeen xuduudaha Somaliland la wadaagto maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaanay ka hor tagayaan faro-galin iyo daan-daansi maamul-goboleedkaasi ka wado gudaha Somaliland.

Wararka kale ee la xidhiidha dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Qaranka ee deegaamadaas, ayaa sheegaya inay ujeeddadiisu la xidhiidho booqasho la sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku imanayo magaalada Buuhoodle.

SOMALILANDPOST.NET