Ciidamada NATO Ee Ilaalada Xeebaha Somaaliya oo Soo Furtay Doon La Afduubay

Isbahaysiga Ciidamada NATO iyo kuwa EU ee la dagaalama budhcad-badeedda Soomaalida, ayaa 13kii August, laba doonyood ka soo furtay xeebaha Somaaliya.

Markabka dagaalka ee HNLMS Rotterdam(Holland) oo kaashanaya markabka FGS Sachen (Italy) ayaa si nabadgelyo u soo furtay dhammaan shaqaalahii doon laga qafaashay badweynta. Isla markaa, waxaa gacanta lagu dhigay Budhcad-badeeddii oo tiradoodu dhan tahay 6 qof iyaga oo loo taxaabay dhinaca magaalda Rotterdam ee dalka Holland si loo maxkamadeeyo.

Dhacdadan waxaa ka horreeyay waxaa ay soo jiitamaysay muddo saddex maalmood ah.  10kii August, Ilaalada Xeebaha EU NAVFOR ee dalka Spain oo kaashanaya dayuuradaha gaafwareega ee (MPRA) waxaa ay soo arkeen doon ku sugan xeebaha dalka Cumaan taas oo hore looga soo afduubay xeebaha Boosaaso, Waqooyi Bari ee Somaaliya, Doonta waxaa loo tirinayay in ay gacanta u gashay budhcad-badeedda.

Haddaba, sida la sheegay, budhcaddii iyaga oo aan ku dagaalamin ay ku carareen doon kale oo ay hore u soo afduubeen, balse waxaa si nabadgelyo leh loo soo badbaadiyay doonta iyo shaqaalaheedii.

Isla markaa dayuuradaha gaafwareega ee dalka German oo ka hawlgalay in ay soo qabtaan budhcadda baxsatay waxaa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigeen  dhammaan budhcaddii oo tiradeedu dhammayd 6 ka dib markii ay in muddo ah eryanayeen . Budhcadda waxaa la soo qabtay iyaga oo qarka u saran in ay ku libdhaan xeebaha koonfureed ee Somaaliya halkaas oo xarun iyo gabbood u ah budhcad-badeedda.

Waxaa Qoray: Yussuf M Hassan