Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland oo Hawlgallo Amni oo Baadhitaan ah ka Fuliyey Albeerkooyinka Hurdada ee Dalka

Hargaysa(SLpost) – Ciidamada Laanta socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay qaaday hawl-gal balaadhan oo ay ku sugayaan amaanka hudheelada hurdada ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Baadhitaankan ay ciidamada Laanta socdaalku ay bilaabeen ayaa ka dambeeyay amar uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku bixiyay in la sugo amniga guud ee Hudheelada, isla markaana la soo baadho cida u hooyatay inta badan hudheelada hurdada ee ku kala yaala dalka oo dhan.

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa (Maxamed Canbaro), oo wax laga waydiiyey baadhitaanka ciidamada laanta socdaalka Somaliland qaadeen ayaa sheegay in hawl-galkan balaadhan oo ka socda Gobolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay ku sugayaan amaanka sidoo kale ay kula dagaalamayaan Tahriibayaasha.

“Waa jiraa hawlgalku, waxana lagu sugayaa amaanka iyo socdaalka sharci darradda ah oo waa mid aanu caadiyan sameyno anaga oo fullinayna waajibaadkayaga guud iyo sidoo kale amarka Wasiirka Arrimaha gudaha, Horena waxaanu hudheeladda u faray inaanay ogolan in hudheeladooda ay seexdaan dad aan sidan Aqooni, Islamarkaana aanay ka reebin raad-raac iyo telefoonka cida ay u socdeen ama ujeedadooda.” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha waxaana uu qiray in hawl-galkan oo aad loo dareemay uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay inay ka wadaan isku mar caawa ka wadda bilaabeen jidadka isaga gudba goboladda iyo caasimaddaha goboladda dalka badankoodda sidaas ay sii wadayaan.

Taliyuhu muu sheegin caabsidda soo korodhay oo keentay hawl-galkan balse waxaa uu tilmaamay inay hawlgaladan sii wadayaan oo ay ka mid-tahay hawshooddi shaqo. Waa markii ugu horeysay ee hawlgal culayskan leh oo la xidhiidha amaanka laga wadda bilaabo inta badan caasimada gobolada dalka Somaliland, waanna hawlgal amniga qiimo weyn ugu fadhiya oo lagu sugayo ammaanka goobaha hurdada oo badi ay seexdaan dadka socdaalka ama safarka ahi.

Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku hawlanaa sugitaanka amniga guud ee goobaha laga soo galo dalka iyo waliba hudheelada, mana aha markii ugu horeysay ee ay sidan oo kale u baadhaan hudheelada, hasayeeshee dhawr bilood ka hor ayay ahayd markii ay talaabooyin la mid ta ay caawa qaadeen ku talaabsadeen.