Ciidamada Kenya Oo Ka Baxay Goobo Ay Degenaayeen

Somaliya(Slpost)-Dad degan koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay u eg tahay, inay ka baxayaan saldhiga Ceel-Cadde oo la soo weeraray laba toddobaad ka hor.

140908103654_african_union_somalia_512x288_ap_nocredit

Waxaa jira warar sheegaya inay jiraan dagaal u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo Alshabaab.

Afhayeenka milatariga Kenya ayaa ku tilmaamay dhaqdhaqaaqa milatari mid caadi ah.

Alshabaab ayaa sheegtay inay dishay in kabadan boqol askarta Kenya, ee ka mid ah ciidamada AMISOM weerar ay ku qaaday saldhiga Ceel- Cadde.

Ciidamada Kenya ayaan wali xaqiijin tirada askarta uga dhimatay weerarka.