Ciidamada ka hortagga Rabshadaha ee SPU iyo RRU oo fashiliyey mudaharaad ay soo abaabuleen taageerayaasha Urur Siyaasadeedkii NDB

Hargeysa (SLpost) – Ciidamadda Booliiska ee ka hortaga Argagixisada iyo Rabshada ee SPU iyo RRU, ayaa maanta Rasaas ku kala eryay taageerayaasha Urur Siyaasadeedkii NDB ee ay Guddida Diiwaangelintu sheegeen inay ku hadheen wajigii koowaad ee tartanka Ururadda Siyaasadda.

Taageerayaal badan oo ka tirsan ururkan ayaa saaka Mudaharaad ka bilaabay xaafadda New Hargeysa kuwaas oo ay hormood u ahayd Guddoomiyaha Ururkaasi Foosiya X Aadan, waxaana markiiba ka hortagay Ciidamadda Booliisku oo u adeegsaday rasaas nool si ay u kala eryaan, ilaa hadana ma jiro wax khasaare ah oo inta la ogyahya rabshadahaasi sababeen.

Ciidamadda Booliisku waxay dadkaasi ku horjoogsadeen kaalinta Ina Galan ee Bariga Hargeysa, waxaanay qab qabteen dad ka mid ah mudaharaadayaashaasi oo ay ka mid tahay Ilhaan Xasan Cali oo hore u shaacisay in iyada oo metelaysa ururka ay iska sharrixi doonto golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.

SLpost News Desk

Hargeysa – Somaliland